| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, oo magaalada Oslo kula kulmay dhiggiisa Norway, Espen Barth Eide, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga labada dal.
Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal
Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal / SONNA
 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, oo hoggaaminaya wafdi ka socda Soomaaliya, ayaa magaalada Oslo kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Norway, Espen Barth Eide.

Kulanka labada wasiir ayaa ka dhacay magaalada Oslo, xilli uu socday shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Nordic iyo Afrika, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Norway, loona ballaarin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada ay wadaagaan danaha muhiimka ah.

Intii ay socdeen wadahadalladu, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka caalamiga ah iyo iskaashiga ku dhisan danaha wadajirka ah, iyadoo mudnaan siinaysa dadaallada lagu taageerayo qorshayaasha qaranka, nabadda, xasilloonida gobolka.

XIGASHO:SONNA