Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium ku yeeshay wadahadallo heer sare ah oo ku saabsan mustaqbalka amniga Soomaaliya, qorshaha ciidamada qaranku kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga iyo taageerada caalamiga ah ee hawlgalka AUSSOM.
Kulankan oo Khamiistii ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa ku soo beegmay xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu isu diyaarinayo inuu bisha Diseembar 2026 go’aan ka gaaro cusbooneysiinta waajibaadka Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray qorshaha Soomaaliya ee la wareegidda amniga, isku dubbaridka taageerada saaxiibbada caalamka iyo sidii loo dhisi lahaa hannaan amni oo waara.
Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Annette Weber, ayaa kulanka ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday wadahadallada ku saabsan mustaqbalka amniga Soomaaliya.
Dhankiisa, Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa bogaadiyay horumarka laga sameeyay amniga iyo hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, Madaxa Shaqaalaha Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamed Yuusuf, iyo wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM.
Waxaa sidoo kale ka qaybgalay wakiillo ka socday Turkiga, Maraykanka, Ingiriiska, Masar, Sacuudiga, Qatar, Kuwait iyo dalal kale.
Sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub (EEAS), dhinacyadu waxay isku raaceen muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-tashiyada siyaasadeed iyo kuwa farsamo, iyadoo la adkeeyay in xasilloonida amniga Soomaaliya ay u baahan tahay heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Kulanka laguma gaarin heshiis kama dambays ah oo ku saabsan hannaanka amniga mustaqbalka, waxaana la filayaa in wadahadalladu sii socdaan ka hor go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee bisha Diseembar.














