Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaga qaybgalay kulanka caalamiga ah ee talo-wadaagga goleyaasha fatwada Islaamka, oo looga hadlay xoojinta midnimada ummadda Islaamka iyo ka jawaabista caqabadaha casriga ah ee dunida Muslimka.
Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Arrimaha Diinta Turkiga (Diyanet), ayaa qabsoomay 23-kii iyo 24-kii Nofeembar 2026, waxaana isugu yimid in ka badan 100 marti-sharaf oo ka kala socday in ka badan 50 dal, oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada arrimaha diinta, madaxda hay’adaha diinta, muftiyo iyo culimo caan ka ah dunida Islaamka.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in kulanka oo hal-ku-dhiggiisu ahaa “Midnimada ummadda Islaamka iyo goleyaasha fatwada ee ka jawaabaya caqabadaha caalamiga ah” diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa hannaan wadatashi oo joogto ah oo mideeya goleyaasha fatwada ee dalalka Islaamka.
Culimada Islaamka oo ka arrinsaday caqabadaha casriga ah
Sida ay wasaaraddu sheegtay, ajandayaasha ugu muhiimsan ee kulanka waxaa ka mid ahaa mideynta aragtida culimada, xoojinta walaaltinimada ummadda Islaamka iyo ka jawaabista weydiimaha cusub ee ka dhasha horumarka tiknoolajiyadda iyo sirdoonka macmalka ah (AI).
Waxaa sidoo kale laga wada hadlay la dagaallanka xogta diineed ee khaldan iyo fatwooyinka aan ku dhisnayn cilmi iyo aqoon sugan.
Madaxweynaha Hay’adda Diyanet ee Turkiga, Prof. Dr. Safi Arpagus, ayaa khudbaddiisii furitaanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in culimada Muslimiintu yeeshaan mowqif mideysan, isla markaana ay dhisaan hannaan wadatashi oo awood u leh inuu ka jawaabo caqabadaha cusub ee haysta dunida Islaamka.
Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu soo qaaday mas’uuliyadda wadajirka ah ee culimada ka saaran ilaalinta sugnaanta aqoonta diinta iyo sidii weydiimaha cusub ee bulshada loogu heli lahaa jawaabo ku saleysan mabaadi’da fiqiga Islaamka.
Shirka oo lagu soo gabagabeeyay bayaan ka kooban 20 qodob
Kulanka ayaa la soo gabagabeeyay 24-kii Nofeembar, iyadoo Madaxweynaha Hay’adda Diyanet, Safi Arpagus, uu soo bandhigay bayaan gunaanad ah oo ka kooban 20 qodob, kaas oo lagu qeexay talooyin lagu xoojinayo doorka goleyaasha fatwada iyo mas’uuliyadda ka saaran ka jawaabista caqabadaha caalamiga ah.
Bayaanka ayaa si gaar ah u adkeeyay mas’uuliyadda hay’adaha diinta Islaamka ka saaran u istaagidda caddaaladda, ilaalinta karaamada aadanaha iyo difaaca xuquuqda dadka dulman.
Goleyaasha fatwada ayaa loogu baaqay inay mowqif cad ka qaataan dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka jira Qaza iyo guud ahaan Falastiin, isla markaana ay difaacaan xuquuqda dadka dulman iyo bulshooyinka nugul ee dunida, Muslimiin iyo kuwa aan Muslimka ahaynba.
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta Sanduuqa Sakada iyo nidaamka Waqafka
Intii uu ku sugnaa magaalada Istanbul, Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Hay’adda Arrimaha Diinta Turkiga, Safi Arpagus.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta Sanduuqa Sakada iyo nidaamka Waqafka Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan uu ku soo beegmayo xilli ay muhiim tahay in dalku xoojiyo xiriirka uu la leeyahay hay’adaha diinta ee caalamka, isla markaana uu qayb ka noqdo wadatashiyada lagu wajahayo arrimaha fatwada, waxbarashada diinta iyo horumarinta hay’adaha Islaamiga ah.
Waxay intaas ku dartay in kulanka Istanbul uu fursad u yahay sii ambaqaadidda xiriirkaas iyo sidii Soomaaliya ay cod iyo aragti ugu yeelan lahayd doodaha caalamiga ah ee la xiriira mustaqbalka hay’adaha fatwada iyo adeegyada diinta Islaamka.













