| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Suudaan oo Ciidamada RSF ku Eedeysay inay Dileen Askar ku Sugneyd Gobolka Blue Nile
Bayaan ay baahisay Wakaaladda Wararka Dowladda Suudaan ee SUNA ayay dowladdu ku cambaareysay dilka askarta milateriga, iyadoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada.
Suudaan oo Ciidamada RSF ku Eedeysay inay Dileen Askar ku Sugneyd Gobolka Blue Nile
Suudaan oo Ciidamada RSF ku Eedeysay inay Dileen Askar ku Sugneyd Gobolka Blue Nile / AFP (Wire)
 

Dowladda Suudaan ayaa Axaddii Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ku eedeysay inay dil toogasho ah ku fuliyeen askar ka tirsan milateriga dalkaas oo ku sugneyd gobolka Blue Nile ee koonfur-bari Suudaan, iyadoo ku baaqday in beesha caalamku si degdeg ah u qaaddo tallaabooyin lagu ilaalinayo maxaabiista weli gacanta lagu hayo.

Bayaan ay baahisay Wakaaladda Wararka Dowladda Suudaan ee SUNA ayay dowladdu ku cambaareysay dilka askarta milateriga, iyadoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada.

Dowladda ayaa bayaankeeda ku sheegtay in dilka maxaabiistu uu yahay “xadgudub culus oo ka dhan ah xaqa nolosha iyo jebin cad oo lagu sameeyay sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada,” iyadoo ku adkeysatay in lala xisaabtamo dadka mas’uulka ka ah falalkaas.

Dowladda ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay, Golaha Xuquuqda Aadanaha, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah iyo kuwa gobolka inay “qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu ilaalinayo dadka weli maxaabiista ah, isla markaana ay taageeraan hannaan dhab ah oo lagu xaqiijinayo isla-xisaabtan degdeg ah.”

Waxay ka digtay in ka aamusnaanta dilka maxaabiista iyo xadgudubyada ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada ay “ku dhiirrigelineyso RSF inay geysato dambiyo dheeraad ah, isla markaana ay khatar gelinayso nolosha dad kale.”

Ciidamada RSF ayaan wax jawaab ah ka bixin bayaanka dowladda.

Dagaalka u dhexeeya milateriga Suudaan iyo Ciidamada RSF, oo qarxay sannadkii 2023 kadib khilaaf ka dhashay qorshaha lagu mideynayay ciidamada, ayaa sababay dhimashada tobannaan kun oo qof iyo barakaca ku dhawaad 13 milyan oo qof, sida lagu sheegay qiyaasaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah.

XIGASHO:َAA