Guddoomiyaha COP31 Murat Kurum ayaa Axaddii si rasmi ah heshiis la’aan ugu soo xiray shirka cimilada Qaramada Midoobay ee Antalya, isagoo dalal qaar ku dhaliilay inaysan muujin dabacsanaantii iyo dadaalkii loo baahnaa si heshiis loo gaaro.
Kurum, oo ah Wasiirka Deegaanka, Magaaleynta iyo Isbeddelka Cimilada Turkiga, ayaa ku dhawaaqay inaan la ansixin go’aankii guud ee la soo jeediyay, ka hor inta uusan shirkii labada toddobaad socday ku soo xirin garaacista dubbaha munaasabadda.
“Nasiib-darro, dalal qaar ma muujin dadaalkii iyo dabacsanaantii ay mas’uuliyaddan taariikhiga ahi u baahnayd,” ayuu Kurum ka sheegay fadhigii guud ee xiritaanka.
“Waxaan aqoonsannahay muhiimadda mudnaanta qaran, waana ixtiraameynaa duruufaha dal kasta. Hase yeeshee, arrin sidan muhiimka u ah oo khuseysa mustaqbalkeenna wadajirka ah, waxaan filaynay in dhammaan dhinacyadu ay mas’uuliyad dheeraad ah iska saaraan sidii xal loo heli lahaa,” ayuu raaciyay.
Iskaashiyada oo sii jira inkastoo COP31 la isku mari waayay
Kurum ayaa sheegay in Turkigu uu intii ay wadaxaajoodyadu socdeen adeegsaday fursad kasta oo lagu gaari karay heshiis loo dhan yahay, isagoo carrabka ku adkeeyay in dhibaatada cimiladu aysan sugi doonin inta laga xallinayo khilaafaadka diblomaasiyadeed.
“Dunidu ma sugayso, masiibooyinku ma sugayaan, jiilasha soo socdana ma sugayaan,” ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Ajandaha Waxqabadka ee shirka, iskaashiyada caalamiga ah iyo hindiseyaasha iskaashiga, isagoo ku sheegay guulo sii jiri doona inkastoo aan la ansixin go’aankii guud.
“Wixii halkan ka dhacay, wadaxaajoodyadii hakaday iyo geeddi-socodyadiiba, waxaan u daynayaa qiimeynta dunida oo dhan iyo aadanaha,” ayuu yiri Kurum.
Ka hor inta uusan garaacin dubbaha xiritaanka, wuxuu uga mahadceliyay wafdiyadii ka qaybgalay, dhiggooda Australia iyo Xoghaynta Qaramada Midoobay kaalintii ay ka qaateen shirka.
“Dubbaha aan hadda garaaci doono wuxuu soo xiri doonaa fadhigan, balse halgankeenna wuu sii socon doonaa,” ayuu yiri, isagoo si rasmi ah ugu dhawaaqay xiritaanka COP31, CMP21 iyo CMA8.
Shirkan ayaa magaalada Antalya ee Turkiga muddo laba toddobaad ah isugu keenay wakiillo ka socda 196 dal iyo Midowga Yurub, si ay uga wadaxaajoodaan arrimaha cimilada.















