| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Warfaafinta oo Qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Cabdullaahi bin Mutlaq Al-Otaibi, kala hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada warbaahinta, dhaqanka, dalxiiska iyo horumarinta afka Carabiga.
Wasiirka Warfaafinta oo Qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta oo Qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Dawladaha Carabta ee Soomaaliya, Cabdullaahi bin Mutlaq Al-Otaibi.

Labada mas’uul ayaa kormeeray waaxyaha muhiimka ah ee Wasaaradda, oo ay ka mid yihiin Kaydka Qaranka, Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA), halkaas oo ay kula kulmeen mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha.

Kormeerka kaddib, Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Jaamacadda Dawladaha Carabta ee dhinacyada warbaahinta, dhaqanka, dalxiiska, horumarinta afka Carabiga iyo dadaallada lagula dagaallamayo macluumaadka khaldan iyo wararka marin-habaabinta ah.

Safiir Al-Otaibi ayaa bogaadiyay dadaallada Wasaaradda ee horumarinta iyo dib-u-soo-nooleynta afka Carabiga, wuxuuna xaqiijiyay diyaar-garowga Jaamacadda Carabta ee taageeridda dadaalladan iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada warbaahinta iyo dhaqanka.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale booqday Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Hobollada Qaranka Waaberi iyo kooxaha hidaha iyo dhaqanka, kuwaas oo soo bandhigay bandhigyo dhaqan iyo farshaxan oo ka tarjumaya hidaha Soomaaliya.

Booqashada ayaa muujisay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga iyo isku-dubbaridka Soomaaliya iyo Jaamacadda Dawladaha Carabta ee dhinacyada warbaahinta, dhaqanka, dalxiiska iyo horumarinta afka Carabiga.

XIGASHO:SONNA