| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Sucuudiga iyo Faransiiska oo taageeray dawlad Falastiini ah, Israa’iilna uga digay Lubnaan
Riyaad iyo Baariis ayaa si adag u diiday ballaarinta deegaamaynta sharci-darrada ah, waxayna ku baaqeen in la helo jawi sahlaya xabbad-joojin waarta oo ka dhaqangasha Qaza iyo gargaar bini'aadanimo oo aan carqalad lahayn
Sucuudiga iyo Faransiiska oo taageeray dawlad Falastiini ah, Israa’iilna uga digay Lubnaan
Dhaxal-sugaha Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, iyo Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron / AP

Sucuudi Carabiya iyo Faransiiska ayaa dib u xaqiijiyay taageeradooda dhismaha dawlad Falastiini ah oo madax-bannaan, waxayna Israa’iil ugu baaqeen inay ka baxdo dhammaan dhulka Lubnaan, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ay labada dal soo saareen.

Bayaanka ayaa daba socday wada-hadallo dhexmaray Dhaxal-sugaha Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, iyo Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, kuwaas oo sidoo kale guddoomiyay shirkii ugu horreeyay ee Golaha Iskaashiga Istaraatiijiyadeed ee Sucuudiga iyo Faransiiska.

Labada dhinac ayaa sheegay inay taageersan yihiin xasilloonida gobolka, dhowrista madaxbannaanida dawladaha, ku dhaqanka sharciga caalamiga ah iyo in khilaafaadka lagu xalliyo waddo diblomaasiyadeed.

Arrinta Falastiin, Riyaad iyo Baariis ayaa ka soo horjeestay tallaabo kasta oo wiiqaysa xaqa Falastiiniyiinta ee dawlad madax-bannaan oo ku salaysan xuduudihii 1967-kii.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in la joojiyo ballaarinta deegaamaynta Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta iyo xadgudubyada ay geystaan deegaameystayaasha Israa’iiliyiinta.

Labada dal ayaa ku baaqay in la abuuro xaalado suuragelinaya xabbad-joojin waarta oo ka hirgasha Qaza iyo in gargaar bani’aadantinimo la gaarsiiyo dadka u baahan iyada oo aan la carqaladeyn.

Waxay sidoo kale taageereen dib-u-habaynta Maamulka Falastiin

Arrinta Lubnaan, Sucuudi Carabiya iyo Faransiiska ayaa ku baaqay in si buuxda loo dhaqan-geliyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1701, hubkana laga dhigo kooxaha hubeysan ee ka baxsan awoodda dawladda, isla markaana Israa’iil ay ka baxdo dhulka Lubnaan.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku baaqay in wada-xaajood lagu xalliyo khilaafka ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan, iyagoo Tehran ugu baaqay inay dib u bilowdo wada-shaqaynta Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA).

Dhanka Suuriya, labada hoggaamiye ayaa muujiyay taageeradooda xasilloonida iyo soo-kabashada dhaqaalaha dalkaas, iyagoo soo dhaweeyay dhismaha Golaha Ganacsiga Wadajirka ah ee Sucuudiga, Suuriya iyo Faransiiska.

XIGASHO:TRT World and Agencies