Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta (UNICEF) ayaa Arbacadii sheegtay in weerar loo adeegsaday diyaarad drones ah oo lagu qaaday suuq ku yaalla gobolka Waqooyiga Kordofan ee Suudaan uu sababay dhimashada ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 26 kale. Hay'addu waxay ka digtay in carruurtu ay weli yihiin kuwa ugu daran ee uu saameeyo colaadda sii xoogeysanaysa ee dalka.
War-saxaafadeed ay soo saartay UNICEF ayaa lagu sheegay in weerarku uu beegsaday suuq ku yaalla magaalada Al-Rahad, halkaas oo ay ku dhinteen laba carruur ah iyo afar qof oo waaweyn, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 qof, oo ay ku jiraan lix carruur ah oo da'doodu u dhaxayso 6 ilaa 14 sano.
“Weerarkan ugu dambeeyay wuxuu xusuusin cad u yahay dhibaatada ba'an ee colaaddu weli ku hayso carruurta guud ahaan Suudaan,” ayuu yiri Wakiilka UNICEF ee Suudaan, Sheldon Yett.
“Suuqyadu waa meelaha ay qoysasku isugu yimaadaan si ay cunto u iibsadaan, nolol-maalmeedkooda u daboolaan una helaan baahiyahooda aasaasiga ah. Waa inaysan waligood isu beddelin goobo dhimasho iyo burbur,” ayuu raaciyay.
Yett ayaa sheegay in rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada El-Obeid, oo ah caasimadda Waqooyiga Kordofan, ay soo jiiteen dareenka caalamka, balse wuxuu ka digay in xaaladda guud ee gobolka ay weli tahay mid “aad looga walaacsan yahay.”
Wuxuu sheegay in bulshada ku nool magaalooyinka Dilling iyo Kadugli ee Koonfurta Kordofan, qaybo ka mid ah Waqooyiga Darfur, iyo deegaannada gobolka Blue Nile ee ay colaaddu ku sii fidayso ay weli wajahaan amni darro ba'an, barakac iyo baahiyo bani'aadannimo oo sii kordhaya.
“Meel kasta oo ay colaaddu gaarto, carruurtu waa kuwa bixiya qiimaha ugu sarreeya,” ayuu yiri Yett.
Sida ay sheegtay UNICEF, weerarrada soo noqnoqda ayaa burburinaya guryaha, iskuullada, xarumaha caafimaadka, shabakadaha biyaha iyo suuqyada, taas oo carruurta ka hor istaagaysa helitaanka adeegyada caafimaadka, waxbarashada, nafaqada, biyaha nadiifta ah iyo adeegyada fayadhowrka, isla markaana ku qasbaysa qoysas badan inay ka barakacaan guryahooda.
Hay'addu waxay sidoo kale ka digtay in weerarrada iyo amni darrada ka jirta waddooyinka muhiimka ah ee gaarsiinta gargaarka ay carqaladeynayaan howlaha bani'aadannimo isla markaana xaddidayaan helitaanka bulshada ugu nugul ee dalka.
“Ilmo kasta oo la dilo ama la dhaawaco waa mid aad u badan,” ayuu yiri Yett, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada colaadda inay ilaaliyaan dadka rayidka ah iyo kaabeyaasha rayidka, u hoggaansamaan waajibaadkooda sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee bani'aadannimada, isla markaana ay sugaan in gargaar bani'aadannimo oo ammaan ah, degdeg ah oo aan caqabad lahayn la gaarsiiyo dadka u baahan.
Suudaan waxaa tan iyo bishii Abriil 2023 ka socday dagaal u dhexeeya Ciidanka Suudaan iyo ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), kaas oo Qaramada Midoobay ay ku tilmaantay mid sababay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani'aadannimo iyo barakaca ugu waaweyn dunida.






















