Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa magaalada Montreal ee dalka Kanada kaga qaybgalay shirar caalami ah oo looga hadlay horumarinta duulista rayidka, badqabka duulimaadyada iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa bayaan rasmi ah ku sheegtay in wafdiga wasiirku uu ka qaybgalay Shirka 7-aad ee Gaadiidka Cirka Adduunka (ATCONF/7) iyo Kulanka 43-aad ee aan caadiga ahayn ee Hay’adda Duulista Rayidka Adduunka (ICAO), kuwaas oo qabsoomay 16-kii ilaa 20-kii Nofeembar, ayna ka qaybgaleen wakiillo ka socday 115 dal.
Intii uu ku sugnaa Montreal, wasiirka ayaa kulammo la yeeshay madaxda sare ee ICAO, oo uu ka mid yahay Xoghayaha Guud ee hay’adda, Juan Carlos Salazar Gómez, iyagoo ka wada hadlay taageerada farsamo iyo horumarinta adeegyada duulista rayidka Soomaaliya.
Sida ay wasaaraddu sheegtay, wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya ay matalaad rasmi ah ugu yeelan lahayd xarunta dhexe ee ICAO ee Montreal iyo xafiiskeeda gobolka ee Nairobi, iyo diyaar-garowga kormeerka caalamiga ah ee badqabka duulimaadyada.
Dhinacyada ayaa sidoo kale ka wada hadlay tababarka shaqaalaha Soomaaliyeed, casriyeynta adeegyada hagista hawada iyo dhammaystirka rakibidda qalab muhiim u ah duulista rayidka oo muddo yaallay magaalada Baydhabo.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay sii wadayso dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha duulista hawada, laguna ballaarinayo iskaashiga ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah.















