| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay ballaarinta wada-shaqeynta dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, si kor loogu qaado horumarka deegaannada Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha. Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay ballaarinta wada-shaqeynta dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, si kor loogu qaado horumarka deegaannada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo deegaannada maamulkaasi. Waxa uu tilmaamay in mashaariicdaasi ay gacan ka geysan doonaan horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Dhankiisa, Danjire Wang Yu ayaa ugu hambalyeeyay Sheekh Aadan Madoobe xilka hoggaamineed ee loo doortay, isaga oo caddeeyay sida ay Dowladda Shiinuhu uga go’an tahay sii wadidda iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu muujiyay diyaar garowga Shiinaha ee taageeridda barnaamijyada iyo mashaariicda horumarineed ee wax ku oolka ah ee laga hirgelinayo Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka Koonfur Galbeed ee lagu xoojinayo xiriirka ay la leedahay saaxiibbada caalamiga ah, soo jiidashada maalgashiga iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo ka qeyb qaata kobaca dhaqaalaha iyo hagaajinta adeegyada bulshada.

XIGASHO:SONNA