| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Magaalada Hague kaga Qeybgashay Shirkii 31-aad ee Hay’adda Mamnuucidda Hubka Kiimikada
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgashay Shirkii 31-aad ee Dalalka Xubnaha ka ah Hay’adda OPCW, oo ka dhacay magaalada Hague ee Netherlands, laguna falanqeeyay hirgelinta Heshiiska Mamnuucidda Hubka Kiimikada.
Soomaaliya oo Magaalada Hague kaga Qeybgashay Shirkii 31-aad ee Hay’adda Mamnuucidda Hubka Kiimikada
Soomaaliya oo Magaalada Hague kaga Qeybgashay Shirkii 31-aad ee Hay’adda Mamnuucidda Hubka Kiimikada / SONNA
 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgashay Shirkii 31-aad ee Dalalka Xubnaha ka ah Hay’adda Mamnuucidda Hubka Kiimikada (OPCW), kaas oo lagu qabtay magaalada Hague ee dalka Netherlands.

Soomaaliya ayaa shirka waxaa ku mataleysay Safiirkeeda u fadhiya Midowga Yurub, Khadiija Cosoble Cali, iyadoo ku biirtay wakiillo ka socday dalalka caalamka si ay uga wada hadlaan hirgelinta Heshiiska Mamnuucidda Hubka Kiimikada (CWC).

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista hirgelinta heshiiska, wax ka qabashada khataraha cusub ee soo ifbaxaya iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo caalam ka caaggan hubka kiimikada.

Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya doorka ay ku leedahay dadaallada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah iyo iskaashiga ku saabsan arrimaha nabadda, amniga iyo ilaalinta bani’aadannimada.

XIGASHO:SONNA