Turkiga ayaa cambaareeyay hadallo uu Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz ku beegsaday Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, isagoo Katz ku eedeeyay inuu adeegsaday hadallo “aan sharaf lahayn oo aan habbooneyn,” isla markaana sheegay in hadalladaasi aysan qarin karin xasuuqa Israa’iil ee Qaza.
Madaxa Isgaarsiinta Turkiga Burhanettin Duran ayaa bayaan uu soo saaray Khamiistii ku sheegay in hadallada Katz aysan indhaha ka jeedin karin “diiwaanka xasuuqa ee Israa’iil ku leedahay indhaha bani’aadannimada ama taariikhda horteeda.”
Bayaanka ayaa sidoo kale tixraacay xiisaha la sheegay in Katz uu u qabo telefishinnada Turkiga, isagoo sheegay in taariikhda aan mar walba laga baran taxanayaasha telefishinnada, balse lagu diiwaangeliyo xusuusta wadajirka ah ee ummadaha iyo damiirka bani’aadannimada.
“Maanta, taariikh ayaa indhaheenna hortooda lagu qorayaa,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo lagu daray in hoggaanka Madaxweyne Erdogan, Turkigu uu sii wadi doono u doodista caddaaladda, nabadda iyo xuquuqda dadka ay colaadaha saameeyeen.
“Dhanka kale, tallaabooyinka Israa’iil ee Qaza waxay weli wajahayaan eedeymo culus iyo baaritaan ay ku hayaan beesha caalamka iyo sharciga caalamiga ah,” ayaa lagu daray.
Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay meerisyo laga soo xigtay gabyaa Turki ah, iyadoo lagu adkeeyay in aamusnaantu aysan tirtiri doonin taariikhda ama xaqiiqda.
“Haddii aan aamusno, taariikhdu ma aamusi doonto. Haddii taariikhdu aamusto, xaqiiqdu ma aamusi doonto.”
Madaxweyne Erdogan ayaa khudbaddiisii dhowaan ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku soo gabagabeeyay isla meerisyadan, isagoo soo xiganayay gabyaagii geeriyooday ee Turkiga Sezai Karakoc.
Wuxuu Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka ballanqaaday inuu sii wadi doono difaaca xuquuqda dadka la dulmiyay, dhibbanayaasha iyo kuwa aan codka lahayn inta uu awood u leeyahay inuu sidaas sameeyo.
Israa’iil ayaa xasuuq ka geysatay Qaza, waxayna dishay in ka badan 73,928 Falastiiniyiin ah tan iyo Oktoobar 2023.
Marka laga soo tago khasaaraha bani’aadannimo, Israa’iil waxay burbur ba’an u geysatay kaabayaasha rayidka ee Qaza. Waxay sidoo kale sii waddaa rabshadaha dhimashada leh ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ee la haysto.

























