| Somali
Faallooyin
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Laba Diyaaradood oo Sidey Dadka Laga soo Masaafuriyey Mareykanka Ayaa Soo Caga Dhigtay Guatemala
Aqalka Cad ayaa sheegay in "538 qof oo ah muhaajiriin sharci-darro" la xiray sidoo kalena boqolaal kale la tarxiilay, iyadoo lagu daray in "hawlgalkii ugu weyn taariikhda Mareykanka ee ka tarxiilka dadka muhaajiriinta ah uu si fiican u socdo."
00:00
Laba Diyaaradood oo Sidey Dadka Laga soo Masaafuriyey Mareykanka Ayaa Soo Caga Dhigtay Guatemala
Sawir ay sii daysay Hay'adda Socdaalka ee Guatemala ayaa muujinaya muhaajiriinta Guatemala oo ka soo degtay diyaarad milatari oo Mareykan ah kadib markii laga soo tarxiilay Mareykanka. Saldhigga Ciidanka Cirka ee Guatemala ee Magaalada Guatemala, 24kii Janaayo, 2025. / Sawir: AFP / AFP
9 Febraayo 2025

Sida ay sheegeen mas'uuliyiintu, laba diyaaradood oo milatari oo Mareykanka laga leeyahay ayaa gaaray Guatemala iyagoo sida dad badan oo la soo tarxiilay. Masuuliyiinta ayaan sheegin in ay ka mid ahaayeen hawlgalka tarxiilka muhaajiriinta ee uu bilaabay Madaxweynaha Donald Trump.

Waxaa jira 79 qof oo Guatemalans ah—48 rag iyo 31 dumar—kuwaas oo ku jiray duulimaadkii ugu horreeyay oo soo gaaray waqtiyada habeenkii, sida ay sheegtay hay'adda socdaalka ee dalkaas maalinmadii Jimcaha.

Duulimaadka labaad, oo aan la cayimin tirada muhaajiriinta la socday, ayaa isna soo gaaray subaxnimadii Jimcaha.

Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay fiidnimadii khamiista in "538 qof oo ah muhaajiriin sharci-darro" la xiray sidoo kalena boqolaal kale la tarxiilay, iyadoo lagu daray in "hawlgalkii ugu weyn taariikhda Mareykanka ee ka tarxiilka dadka muhaajiriinta ah uu si fiican u socdo."

Dowladda Guatemala ma aysan xaqiijin in muhaajiriin ay ka mid yihiin kuwa la soo tarxiilay ee soo yimid maalinimadii Jimcaha.

"Kuwani waa duulimaadyo ku soo beegmay ka dib markii Trump uu xilka qabtay," ayuu sarkaal ka tirsan xafiiska madaxweyne ku xigeenka Guatemala u sheegay wakaaladda wararka AFP.

Ilo Pentagon-ka ka tirsan ayaa u sheegay AFP in "fiidkii hore, laba diyaaradood oo DOD (Waaxda Gaashaandhigga) ah ay sameeyeen duulimaadyada tarxiilidda ee ka yimid Mareykanka una socda Guatemala."

Subaxnimadii Jimcaha, Aqalka Cad ayaa bartiisa X (twitter) la soo geliyay sawirka rag katiinadaysan oo la saaray diyaaradda milatariga, iyadoo lagu soo qoray: "Duulimaadyada tarxiilka muhaajiriinta waa uu bilawday."

Trump ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in duulimaadyadu ay u socdaan “sidii loo bixin lahaa dadka xun, ee dambiilayaash ah."

“Gacan-ku-dhiiglayaasha, dadka aadka u xun. Kuwa u xun sida aad aragteenba,” ayuu yiri.

Tallaabada adag ee Trump ee ka dhanka ah Muhaajiriinta Sharci-darrada ah

Duulimaadyada tarxiilka muhaajiriinta ayaa si joogto ah loo fulin jirtey xilligii hore ee Trump, halka madaxweyne Joe Biden uu maamulkaasi tarxiilay qiyaastii 270,000 oo qof sanadkii 2023—wax ka badan intii sannad walba la tarxiili jirey xalligii madaxweyne Trump.

Dadkii la soo tarxiilay Jimcihii ayaa lagu ururshey xarun lagu qaabilo dadka oo ku taal saldhigga ciidanka cirka ee caasimadda Guatemala, iyadoo laga qariyey warbaahinta.

Trump ayaa ballanqaaday inuu xoojin doono olaha ka dhanka ah soo-galootiga sharci-darrada ah intii uu ololaha doorashada socday, wuxuuna ku bilaabay doorashadiisa labaad tallaaboyin fulineed oo badan oo loogu talagalay in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka gelitaanka Mareykanka.

Maalintii ugu horreysay ee uu xilka qabtay, wuxuu saxiixay amaro ku dhawaaqaya "xaalad qaran oo deg-deg ah" oo lagu soo rogay xadka koonfureed iyo in ciidamo dheeraad ah la geeyo aaggaas isagoo wacad ku maray inuu dalka ka tarxiili doono soo-galootiga "dembiilayaasha ah".

Maamulka Trump ayaa sheegay inuu sidoo kale dib u soo celin doono siyaasadda "Remain in Mexico/Joog Meksiko" taas oo dadka ka codsada magangalyo dalka Mareykanka ee ka imanaya Mexico looga baahan doono inay halkaas ku sugnaadaan ilaa go'aan laga gaarayo codsigooda.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale joojiyay barnaamijka magangelyo ee dadka ka soo qaxaya dalalka bartamaha iyo Koonfurta Ameerika, taasoo keentay in kumanaan dad ah ay ku xayirmaan dhinaca xadka Mexico.

XIGASHO: TRTWorld iyo wakaaladaha

Raadi Warar Kale
Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay weerarkii argagixiso ee Gobolka Zamfara ee dalka Nigeria
Soomaaliya oo sheegtay in la dilay 17 taliye oo ka tirsan al-Shabaab 6-dii bilood ee u dambeysay
OIC oo cambaareeyey hadallada safiirka Mareykanka ee ku saabsan dhul-ballaarsiga Israa’iil
Dab ka kacay xero barakacayaal oo ku taalla Kordofan ee Suudaan oo 41 qoys ka dhigay hoy la’aan: IOM
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay tallaabooyin lagu horumarinayo badqabka duulimaadyada
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kulan istiraatiiji ah la yeeshay hoggaanka AUSSOM
Safiirka Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Hungary munaasabad taariikhi ah
QM: Carruurta Suudaan oo halis weyn ku jira kadib weeraro drone oo lagu beegsaday xeryo barakacayaal
Soomaaliya: MW Xasan Sheekh oo Madaxtooyada Kulan Ballaaran kula qaatay Xubnaha Golaha Mustaqbalka
Kumannaan qof oo salaaddii ugu horreysay ee Taraawiixda Ramadaan ku tukaday Masjidka Al-Aqsa: Qudus
Ugu yaraan 50 rayid ah oo lagu dilay iska horimaadyo ka dhacay bariga DRC: OCHA
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Qatar si loo xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah
Gabon oo muddo aan la cayyimin hakisay isticmaalka qeyb ka mid ah baraha bulshada
Dab ka kacay xero barakacayaal oo ku taal Waqooyiga Daarfuur oo 60 qoys hoy la'aan dhigay: Suudaan
Madaxweyne Xasan Sheekh oo martigeliyay Madasha Mustaqbalka kahor Shirka Wadatashiga Qaran
Masar oo ku baaqday iskaashi dhex mara dalalka Wabiga Niil, kana hortimid tallaabooyin hal dhinac ah
MW Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed bilowga bisha barakeysan ee Ramadaan
Soomaaliya oo dhimis ku sameysay saacadaha shaqada ee bisha Ramadaan
Dalalka Islaamka qeybtood oo Arbacada soomman, halka kuwo kuwo kalena ay maalin ka dambeeyaan
In ka badan nus milyan qaxooti ah oo ku laabtay Suudaan labadii sano ee la soo dhaafay: IOM