Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin, ayaa furay kulan heer sare ah oo ka dhacay Xarunta Soomaaliya ee shirka COP31, kaas oo diiradda lagu saaray maalgelinta khataraha masiibooyinka iyo ururinta kheyraadka lagama maarmaanka u ah ka hortagga iyo yareynta khataraha masiibooyinka.
Kulankan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Doodaha kulanka ayaa lagu muujiyay baahida loo qabo xoojinta maalgelinta kor u qaadeysa adkeysiga bulshooyinka, dhiirrigelinta isku-filnaanshaha bulshada iyo ku boorrinta daneeyayaasha arrimaha cimilada inay maalgashadaan tallaabooyinka ka hortagga hore.
Guddoomiye Maxamuud Macallin oo la hadlayay khubaro iyo hoggaamiyeyaal ka socday gobolka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ururinta iyo ka faa’iideysiga kheyraadka gudaha iyo kuwa caalamiga ah, si loo maalgeliyo yareynta iyo ka hortagga khataraha masiibooyinka, gaar ahaan wax ka qabashada masiibooyinka soo noqnoqda ee ka dhaca Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyay khubarada iyo ka qeybgalayaasha kaalintii ay ka qaateen kulanka, isagoo mar kale xaqiijiyay sida ay Hay’adda SoDMA uga go’an tahay xoojinta maalgelinta yareynta khataraha masiibooyinka iyo dhisidda adkeysiga bulshooyinka.















