| Somali
GANACSI & TEKNOLOJI
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo COP31 ku Soo Bandhigtay Fursadaha Maalgashiga Gaarka ah ee Cimilada
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya, Cabdifataax Xareed, ayaa Shirweynaha COP31 ee Antalya kaga qeybgalay dood ku saabsan fursadaha maalgashi ee ganacsiyada Soomaaliyeed iyo horumarinta dhaqaalaha cagaaran.
Soomaaliya oo COP31 ku Soo Bandhigtay Fursadaha Maalgashiga Gaarka ah ee Cimilada
Soomaaliya oo COP31 ku Soo Bandhigtay Fursadaha Maalgashiga Gaarka ah ee Cimilada / SONNA
 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Xareed, ayaa ka qeybgalay dood ay yeesheen wakiillo ka socday dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, taas oo ka dhacday Shirweynaha COP31 ee magaalada Antalya, dalka Turkiga.

Doodda ayaa diiradda lagu saaray fursadaha ay ganacsiyada Soomaaliyeed ku heli karaan maalgashi lagu taageerayo wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada iyo horumarinta dhaqaalaha cagaaran.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay sidii mudnaanta Soomaaliya ee arrimaha cimilada loogu xiri lahaa kobaca ganacsiga gaarka loo leeyahay, loona sahamin lahaa fursado maalgashi oo gacan ka geysan kara wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada iyo dhismaha dhaqaale cagaaran oo waara.

XIGASHO:SONNA