Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Talaadada booqasho rasmi ah ku tagaya Turkiga, kaddib martiqaad uu ka helay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, sida uu Isniintii shaaciyey Agaasimaha Warfaafinta Turkiga.
“Inta lagu guda jiro wadahadallada, dhammaan dhinacyada kala duwan ee xiriirka labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya ayaa dib u eegis lagu sameyn doonaa, waxaa sidoo kale laga wada hadli doonaa tallaabooyin lagu sii xoojin karo iskaashiga,” ayuu Burhanettin Duran ku yiri qoraal uu ku daabacay barta warbaahinta bulshada ee Turkiga, NSosyal.
Kulamada ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa horumarradii ugu dambeeyey ee dagaalka Soomaaliya kula jirto argagixisada, dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo midnimada qaranka, iyo sidoo kale arrimaha gobolka.





















