Ciidanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (FARDC) ayaa sheegay inuu shaqo joojin ku sameeyey afhayeenkiisa kaddib markii uu jeediyey hadallo takoor ah oo ka dhan ah bulshada Tutsi-ga ee dalkaasi.
Isaga oo Sabtidii ka hadlayey telefishinka qaranka, Jeneraal Sare Sylvain Ekenga Bomusa Efomi ayaa ku eedeeyey bulshada Tutsi-gu inay sameeyaan “khiyaano,” isagoo ku andacooday inay si qarsoodi ah rag ugu geeyaan dumarkooda si ay carruur u dhalayaan, arrintaas oo uu sheegay in looga dan leeyahay in lagu ilaaliyo “sarraynta” qowmiyadda Tutsi-ga.
Ciidanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in hadallada afhayeenka shaqada laga joojiyey “aysan sinaba u matalin mowqifka rasmiga ah” ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Madaxweyne Felix Tshisekedi, ama dowladda.
“Waxay ka hor imaanayaan qiyamka jamhuuriga ah iyo waajibaadka dastuuriga ah ee loo xilsaaray FARDC,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Tutsi-ga ayaa dhan ilaa 2% dadweynaha DRC
Taliska Guud ee ciidanka DRC (FARDC) ayaa mar kale xaqiijiyey ballanqaadkiisa ku aaddan difaaca madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyo ilaalinta amniga dhammaan muwaadiniinta Congo, “iyadoo aan wax kala sooc ah la samayn,” isla markaana leh anshax iyo xirfad sare.
Ciidanka ayaa ugu baaqay shacabka inay mideysnaadaan, diidaan dhammaan hadallada naceybka ah, isla markaana taageeraan FARDC si ay u gutaan waajibaadkooda.




















