| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaaraha Suudaan oo booqasho rasmi ah ku tagay Masar
Kaamil Idriis iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay madaxda Masar la yeeshaan wadahadallo ku saabsan arrimaha ay labada dal danaha wadaagga ah ka leeyihiin, xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Ra’iisul Wasaaraha Suudaan oo booqasho rasmi ah ku tagay Masar
Ra’iisul Wasaaraha Suudaan oo booqasho rasmi ah ku tagay Masar / Others
 

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan, Kaamil Idriis, ayaa Isniintii gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda Masar, isagoo halkaas ka bilaabay booqasho rasmi ah oo laba maalmood qaadan doonta, taas oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Beeraha iyo Dib-u-habaynta Dhulka Masar, Calaa Al-Diin Faaruuq, sii-hayaha Safaaradda Suudaan ee Qaahira, Danjire Cumar Al-Faaruuq, iyo Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar u qaabilsan Suudaan, Danjire Haani Salaax.

Inta uu booqashada ku sugan yahay, Kaamil Idriis iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay madaxda Masar la yeeshaan wadahadallo ku saabsan arrimaha ay labada dal danaha wadaagga ah ka leeyihiin, xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Muxyiddiin Saalim, Wasiirka Dhaqanka, Warfaafinta, Dalxiiska iyo Aasaarta, Khaalid Al-Cuseyr, iyo mas’uuliyiin kale oo sare oo ka tirsan dowladda Suudaan.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Suudaan ee SUNA, booqashadan ayaa looga gol leeyahay horumarinta iskaashiga labada dal iyo sidii xiriirkooda loo gaarsiin lahaa heerar cusub oo dan u ah shacabka Suudaan iyo Masar.

Raadi Warar Kale
Suudaan oo bilowday olole 50 maalmood ah oo lagu nadiifinayo caasimadda Khartuum
Kenya oo Isbahaysi Shirkado Mareykan ah ku Wareejinaysa Mashruuca Macdanta Dhifka ah
Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay mustaqbalka amniga dalka iyo hawlgalka AUSSOM
Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka dhallinyarada
Soomaaliya oo safiirka Imaaraadka ku amartay inuu dalka kaga baxo 72 saacadood gudahood
Maxkamad ku Taalla Suudaan oo Xukun Dil ah ku Ridday Hoggaamiyaha RSF, Xemedti, iyo 13 Qof oo Kale
Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga oo La Kulmay Duqa Magaalada Riyaad si ay uga Wada Hadlaan Iskaashig
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarigga ka Jaray Waddada Jamhuuriya ee Muqdisho
Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Dhaqan-galka Heshiiskii IGAD ee 2023
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka digay faragelin shisheeye
Soomaaliya oo Shirweynaha COP31 ku Daahfurtay Qorshe-Hawleedka MRV ee Warbixinnada Cimilada
Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aanka Maraykanka ee cusbooneysiinta taageerada hawlgallada amniga
Soomaaliya iyo Hindiya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Guddoomiyaha SoDMA oo COP31 ku Iftiimiyay Barakaca Cimilada iyo Adkeysiga Bulshooyinka
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble
Ciidamada Uganda oo shan saldhig oo ku yaalla Baraawe ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya
Ciidanka Suudaan oo La Wareegay Saddex Deegaan oo ku Yaalla Galbeedka Kordofan: Ilo Milatari
SoDMA oo Shirweynaha COP31 ku Qabatay Kulan ku Saabsan U Diyaargarowga El Niño ee 2026–2027
Wasiirka Deegaanka oo COP31 ku Muujiyay Muhiimadda Waxbarashada Cimilada ee Qorshaha Qaranka
Kenya oo Xasan Cumar Daffa u magacowday Qaadiga Guud ee dalka