Bahda kubadda cagta ee dalka Jabuuti ayaa dalkooda hooyo ku soo dhaweeyay garsoore caawiye Liibaan Cabdirisaaq Axmed, kadib markii uu ka qaybgalay dhex-dhexaadinta ciyaartii kama dambaysta ahayd ee UEFA Super Cup ee u dhexaysay kooxaha Paris Saint-Germain iyo Aston Villa, taas oo 12-kii bishan Agoosto ka dhacday magaalada Salzburg ee dalka Austria.
Ciyaartan weyn ayaa waxaa garsoore dhex-dhexaadiye ka ahaa garsooraha u dhashay Soomaaliya Cumar Cabdulqaadir Cartan, waxaana dhinacyada ka caawinayay Liibaan Cabdirisaaq Axmed oo reer Jabuuti ah iyo Stephen Yiembe oo u dhashay dalka Kenya, taas oo tusaale u ahayd iskaashiga garsoorayaasha gobolka Geeska Afrika iyo Bariga Afrika.
Liibaan ayaa markii uu ka degay garoonka diyaaradaha waxaa si ballaaran u soo dhaweeyay xubno ka tirsan bahda isboortiga dalkaas, oo ay ku jiraan garsoorayaal, mas'uuliyiin ka tirsan xiriirka kubadda cagta iyo wakiillo ka socday Xoghaynta Dowladda ee Arrimaha Isboortiga Jabuuti.
Guddoomiye ku-xigeenka xiriirka kubadda cagta Jabuuti, Korneyl Aamina, ayaa u hambalyeysay garsoorahan, iyadoo ku tilmaantay xulashadiisa mid sharaf iyo faan u ah dalka Jabuuti.
Waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqday muhiimadda ay leedahay in garsoore heer qaran ah uu ka hawlgalo heerka ugu sarreeya kubadda cagta ee qaaradda Yurub.
Sidoo kale, Dr. Gohar oo ah kusimaha xoghayaha guud ee isboortiga, ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka uu gaaray Liibaan, isagoo xusay in xirfaddiisu ay tusaale u tahay fursadaha ay dhallinyarada reer Jabuuti ku gaari karaan asluub wanaag iyo shaqo adag.
Dhankiisa, Liibaan Cabdirisaaq ayaa u mahadceliyay mas'uuliyiinta iyo dadweynihii isugu yimid soo dhaweyntiisa, wuxuuna sheegay in matalaadda magaca Jabuuti ee fagaarayaasha caalamiga ah ay u tahay mid isaga siinaysa farxad iyo qanacsanaan gaar ah.
Shaqadan uu ka soo qabtay UEFA Super Cup ayaa ku biiraysa khibraddiisa ballaaran ee caalamiga ah, taas oo ay horay uga mid ahaayeen ka qaybgalkii tartanka Koobka Qaramada Afrika (AFCON) iyo Ciyaaraha Olombikada Adduunka ee dhowaan lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Paris.
Khubarada isboortiga ayaa aaminsan in doorkiisa ciyaartan ay ka dhigan tahay tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka horumarinta iyo xoojinta doorka Jabuuti ee fagaarayaasha garsoorka caalamka.























