| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Horumar Weyn ka Sameysay Qiimeynta Dareenka Amniga Dadweynaha
Soomaaliya ayaa heshay qiimeyn 74% ah oo ku saabsan dareenka muwaadiniinta ee amniga shakhsiga ah sida lagu sheegay warbixinta Global Safety Report, iyadoo ka mid noqotay dalalka ugu sarreeya Afrika ee ka hooseeya Saxaraha dhanka soo kabashada amniga
Soomaaliya oo Horumar Weyn ka Sameysay Qiimeynta Dareenka Amniga Dadweynaha
Soomaaliya oo Horumar Weyn ka Sameysay Qiimeynta Dareenka Amniga Dadweynaha / SONNA
 

Soomaaliya ayaa diiwaangelisay qiimeyn dhan 74% oo muujineysa horumar laga sameeyay dareenka muwaadiniinta ee amniga shakhsiga ah, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda Global Safety Report, oo ah hay’ad cilmi-baaris oo ururisa xogta amniga caalamka.

Qiimeyntan ayaa lagu cabbiraa heerka ay muwaadiniintu ammaan ku dareemaan nolol maalmeedkooda, oo ay ku jiraan safarka xilliyada habeenkii iyo isu-socodka qeybaha kala duwan ee dalka.

Natiijadan ayaa Soomaaliya ka dhigeysa mid ka mid ah dalalka ugu sarreeya Afrika ee ka hooseeya Saxaraha marka la eego soo kabashada amniga, iyadoo ka sarreysa celceliska caalamiga ah ee 69%.

Qiimeynta Soomaaliya ayaa sidoo kale ka sarreysa dalalka Ruushka (72%), Boqortooyada Midowday (71%), Faransiiska (71%), Hindiya (71%) iyo Australia (64%), halka Shiinaha uu helay isla qiimeynta Soomaaliya oo ah 74%.

Dhanka Tusmada Sharciga iyo Kala Dambeynta (Law and Order Index), oo lagu cabbiro kalsoonida dadweynaha ee booliska, dareenka amniga shakhsiga ah iyo waayo-aragnimada la xiriirta dambiyada, Soomaaliya ayaa heshay 75 dhibcood.

Inkasta oo natiijadani ay shan dhibcood ka hooseyso celceliska caalamiga ah ee 80 dhibcood, haddana waxay bixineysaa tilmaam muhiim ah oo ku saabsan sida dadweynaha Soomaaliyeed u arkaan xaaladda amniga dalka.

Natiijooyinka warbixinta ayaa sidoo kale muujinaya muhiimadda ay leedahay in amniga aan lagu qiimeyn oo keliya colaadaha hubeysan iyo weerarrada, balse sidoo kale la tixgeliyo sida muwaadiniintu amniga ugu dareemaan nolol maalmeedkooda.

XIGASHO:SONNA