| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Turkiga, Sacuudiga iyo Bakistaan oo dar-dargelinaya awooddooda difaaca wadajirka ah
Isbahaysiga saddex-geesoodka ah ayaa isla gartay in ciidamo gurmad ah si degdeg ah loogu daad-gureyn karo dalka Sacuudiga haddii loo baahdo, iyadoo dhanka kalena xoogga la saarayo in xiisadda lagu xalliyo wada-xaajood diblumaasiyadeed.
Turkiga, Sacuudiga iyo Bakistaan oo dar-dargelinaya awooddooda difaaca wadajirka ah
Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan, Wasiirka Difaaca Yasar Guler, iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Selcuk Bayraktaroglu / َAA

Dowladaha Turkiga, Sacuudiga iyo Bakistaan ayaa Isniintii isku raacay inay si weyn u xoojiyaan awooddooda difaaca wadajirka ah, xilli boqortooyada Sacuudigu ay wajahayso khataro iyo weerarro horleh oo uga imanaya kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanta Yemen.

Go'aankan ayaa kasoo baxay kulan degdeg ah oo ay magaalada Riyadh ku yeesheen mas’uuliyiin sarsare oo isugu jira diblumaasiyiin iyo saraakiil milateri oo ka kala socday saddexda dal.

Kulankan ayaa qayb ka ah fadhiyada Guddiga Siyaasadda iyo Difaaca Istaraatiijiga ah ee lagu aasaasay 'Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka'.

Wafdiga Turkiga ee kulankan ka qaybgalay ayaa waxaa hormuud u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan, Wasiirka Difaaca Yasar Guler, iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Selcuk Bayraktaroglu.

Daad-gureynta Ciidamada iyo Difaaca Sacuudiga

Sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Bakistaan, saddexda dal ayaa isla gartay qodob xasaasi ah oo dhigaya in ciidamo iyo awood milateri oo gurmad ah si degdeg ah loogu daad-gureyn karo gudaha Sacuudiga haddii xaaladdu ay faraha ka baxdo, si waafaqsan heshiiska isbahaysiga.

Dhanka kale, Wasiirka Difaaca Sacuudiga, Amiir Khaalid bin Salmaan, ayaa caddeeyay in isbahaysigan ay ka go’an tahay ka-hortagga weerarrada iyo dhowrista madax-bannaanida boqortooyada, isagoo xusay in la adeegsan doono awoodda wadajirka ah si looga gaashaanto khatar kasta.

Dhinacyada ayaa si kulul u cambaareeyay isku-day kasta oo lagu beegsanayo magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina.

Sidoo kale, waxaa dib loo xaqiijiyay in Sarreeye Guud Nauman Mahmood uu noqonayo Xoghayaha Guud ee ugu horreeya ee Isbahaysiga Maka, isagoo xilkan hayn doona muddo saddex sano ah, taas oo qayb ka ah qorshaha isbahaysiga loogu samaynayo hay'ado rasmi ah oo joogto ah.

Isku-wadaynta Difaaca iyo Diblumaasiyadda

In kasta oo xoogga la saaray awoodda milateri, kulanka Riyadh kuma koobnayn oo keliya arrimaha gaashaandhigga.

Wasiir Hakan Fidan ayaa tilmaamay in saddexda dal ay wada-hadalladooda ku lafa-gureen sidii khilaafaadka ka aloosan Bariga Dhexe loogu xallin lahaa wada-hadal iyo waddo nabadeed, lagana fogaado hurinta xiisadaha.

Isbahaysigan oo dhismihiisa lagu go'aamiyay shirkii Istanbuul ee bishii Agoosto, ayaa sidoo kale bartilmaameedsanaya ballaarinta iskaashiga warshadaha difaaca, horumarinta tiknoolajiyadda milateri, iyo wax-soo-saarka wadajirka ah.

Is-afgaradkan cusub ayaa imanaya xilli gobolku uu ku jiro xaalad hubaal-la'aan ah, iyadoo Turkiga, Sacuudiga, iyo Bakistaan ay doonayaan in 'Heshiiska Maka' uu noqdo hannaan joogto ah oo isku-dheellitiraya awood milateri oo wax looga hortago (Deterrence) iyo dadaallo diblumaasiyadeed oo horseeda nabad waarta.

XIGASHO:TRT World and Agencies