Kooxda mucaaradka M23 ayaa sheegtay inay qabatay boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada Burundi intii uu socday weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo, balse warbaahinta Reuters ayaan si madax-bannaan u xaqiijin eedayntaas.
Toddobaadkii hore, M23 ayaa qabsatay magaalada istiraatiijiga ah ee Uvira oo ku dhow xadka Burundi, wax ka yar toddobaad kadib markii madaxweynayaasha DRC iyo Rwanda ay Washington kula kulmeen Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, halkaas oo ay ku adkeeyeen ballanqaadkooda ku aaddan heshiis nabadeed oo loo yaqaan Heshiiska Washington.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa Sabtidii sheegay in tallaabooyinka Rwanda ay ka waddo bariga DR Congo ay jebinayaan Heshiiska Washington, isagoo ballanqaaday in Mareykanku uu “qaadi doono tallaabooyin lagu hubinayo in ballanqaadyadii loo sameeyay madaxweynaha la ilaaliyo.”
Inkasta oo Rwanda si isdaba joog ah loogu eedeeyo inay taageerto M23, haddana way beenisay arrintaas, iyadoo mas’uuliyadda dagaallada soo cusboonaaday dusha ka saartay ciidamada DRC iyo kuwa Burundi.
Madaxweynaha Burundi oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara haddii M23 weerarto ciidamadiisa
M23 ayaa sheegtay in "askartii Burundi ee la qabtay" loo celin doono dalkooda.
Inkasta oo aysan jirin jawaab degdeg ah oo Isniintii ka timid dowladda Burundi, oo sannado badan ciidamo ka joogeen bariga DRC, haddana Madaxweynaha Burundi, Evariste Ndayishimiye, ayaa horey ugu digay M23, isagoo uga digay inay dagaal la bilaabaan dalkiisa.
Kooxda M23 ayaa weerar degdeg ah ku qaaday bishii Janaayo, si dhaqso ahna u qabsatay labada magaalo ee ugu waaweyn bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo, dagaal ku dhintay kumanaan qof halka boqolaal kun oo kale ay barakaceen.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa hodan ku ah macdanta, iyadoo bixisa qiyaastii 70% cobalt-ka dunida, iyo sidoo kale tirooyin badan oo ka mid ah tin, tantalum iyo tungsten.
Masuul maxalli ah oo ay magacaawday dowladda ka jooga Kinshasa ayaa Reuters u sheegay Isniintii in ciidamada Milatariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo iyo kuwa xulafadoodu ay ka baxeen deegaanka Makobola oo 12 kiiloomitir koonfur kaga beegan Uvira, isla markaana ay dib isu abaabulayaan si ay dib ugu qabsadaan dhulkii laga qabsaday. Ilo ku sugan M23 ayaa iyaguna Reuters u sheegay in fallaagadu ay ku sugan tahay Makobola.



















