| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Turkiga oo cambaareeyay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland
Agaasimaha Warfaafinta Turkiga, wuxuu carrabka ku adkeeyay in Turkigu uu sii wadi doono garab istaagga adag ee uu u hayo qaranimada Soomaaliya.
Turkiga oo cambaareeyay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland
Agaasimaha Warfaafinta ee dalka Turkiga, Burhanettin Duran / AA
26 Diseembar 2025

Agaasimaha Warfaafinta ee dalka Turkiga, Burhanettin Duran, ayaa cambaareeyay ku dhawaaqista Israa'iil ee aqoonsiga gobolka Somaliland oo ay u aqoonsatay maamul madax-bannaan, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay xad-gudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayuu Duran ku sheegay in go’aankani uu la macno yahay faragelin toos ah oo lagu sameeyay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana uu wiiqayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Wuxuu ka digay in tallaabadani ay sii murgineyso xaaladda siyaasadeed iyo amni ee jilicsan ee ka jirta Geeska Afrika.

"Tallaabadani waxay beegsanaysaa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxayna xaaladda xasaasiga ah ee gobolka ka dhigaysaa mid aad u jilicsan," ayuu Duran ku sheegay bartiisa X.

Duran ayaa dhaliilay tallaabadan oo uu ku sifeeyay mid qayb ka ah waxa uu ugu yeeray "siyaasadaha mas’uuliyad-darrada ah" ee xukuumadda Netanyahu, isagoo xusay in ficillada noocan ah ay sii dhaawacayaan dadaallada lagu doonayo nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Isagoo ku baaqaya tallaabo caalami ah, Duran wuxuu sheegay in beesha caalamku ay tahay inay mowqif midaysan ka qaadato hindisayaasha sii hurinaya xiisadaha, isla markaana kordhinaya khataraha amni ee Geeska Afrika.

Ugu dambeyntii, isagoo dib u xaqiijinaya mowqifka Ankara, wuxuu carrabka ku adkeeyay in Turkigu uu sii wadi doono garab istaagga adag ee uu u hayo qaranimada Soomaaliya. "Turkigu wuxuu si hagar la'aan ah u sii wadi doonaa taageerada uu u hayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee walaalahayo Soomaaliya," ayuu raaciyay qoraalkiisa.

Raadi Warar Kale
Midowga Afrika oo ku baaqay in si degdeg ah loo laalo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil oo gaaray Somaliland kaddib aqoonsi muran dhaliyay
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeysay doorashada golaha deegaanka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo dib u eegis ku sameeyey amniga, ansixiyayna heshiisyo muhiim ah
Ku dhowaad 65,000 qof oo ka barakacay gobolka Kordofan ee Suudaan sababo la xiriira amni darro: QM
Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Sacuudiga
Ciidanka Xoogga Dalka oo koonfurta Soomaaliya ku dilay 15 qabtayna 8 kale oo ka tirsan al-Shabaab
Diblomaasiga ugu sarreeya Venezuela oo dalbaday garab-istaag caalami ah oo ka dhan ah 'gumeysiga' US
Falcelinta caalamka ee duqeymaha Mareykanku ku qaaday Venezuela iyo ‘qabashada’ Madaxweyne Maduro
MW Maduro oo ku jira gacanta Mareykanka si uu u wajaho dacwado dambiyeed, Rubio oo u sheegay Senator
Madaxweyne Maduro iyo xaaskiisa oo laga saaray Venezuela, sida uu sheegay Trump
Kuuba iyo Kolombiya ayaa cambaareeyay weerarro la sheegay in Mareykanku ku qaaday Venezuela
Maduro ayaa amar ku bixiyay abaabul qaran isagoo cambaareeyey “weerarka gumeysi ah" ee Mareykanka
Qaraxyo gilgilay Caracas kaddib digniin uu Trump ka bixiyay duqeymo lagu qaado Venezuela
Israa'iil oo aqoonsashada Somaliland uga bedelatay saldhig & barakicinta Falastiiniyiinta: MW Xasan
Hoggaamiyaha Suudaan Burhaan oo ballanqaaday guul laga gaaro RSF, lana gaari doono dib-u-heshiisiin
Kumanaan qof oo Soomaaliya ka mudaaharaaday si ay u cambaareeyaan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
DRC oo hakisay shaqada afhayeenka ciidanka kadib hadallo takoor ah oo ka dhan ah bulshada Tutsi-ga
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku tagi doona Turkiga