Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool caasimadda, kadib markii ay guul ku soo gabagaboobeen doorashooyinkii taariikhiga ahaa ee golaha deegaanka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hambalyo u diray muwaadiniinta, isagoo ku tilmaamay doorashada cutub cusub oo ka furmay taariikhda Soomaaliya, isla markaana ammaanay codbixiyeyaasha dulqaadkooda, adkeysigooda iyo geesinimadooda ay ku adeegsadeen gudashada xuquuqdooda dimuqraadiyadeed.
“Hambalyo dhammaantiin inaad qorteen cutub cusub oo ka mid ah taariikhdeenna. Waxaad muujiseen dulqaad, go’aan adag iyo geesinimo. Maanta waxaad dib u soo ceshateen xuquuq muddo ka badan 56 sano ka maqneyd ama luntay—xuquuqda ah inaad si xor ah u doorataan hoggaamiyeyaashiinna ama idinkuba la idiin doorto. Codkiinna waxaad ku muujiseen rabitaankiinna, waxaadna dalka si adag ugu jiheeyseen waddada dimuqraadiyadda iyo xorriyadda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay filan karaan warar wanaagsan oo dhiirrigelin leh mustaqbalka dhow, kuwaas oo la xiriira horumarka iyo tallaabooyinka socda ee dalka




















