Xilli dunidu ay u dabbaaldegayso Maalinta Macallimiinta Adduunka, macallimiinta Falastiiniyiinta ah ayaa wajahaya dhibaatooyin iyo daruufo is-biirsaday.
Wasaaradda Waxbarashada Falastiin ayaa Axaddii shaacisay in in ka badan 800 oo macallin ay ku nafwaayeen weerarrada Israa’iil, halka 3,300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Wasaaradda ayaa tilmaantay in xaaladda waxbarashada ee marinka Qaza iyo Daanta Galbeed ay gabi ahaanba bur burtay, iyadoo macallimiinta ku nool dhulka la haysto ay wajahayaan xaalad aad u adag xilli ay isku dayayaan inay sii wadaan nidaamka tacliinta.
Waxay intaas ku dartay in in ka badan 170 macallin ay weli xabsiyada ku jiraan, halkaas oo ay ku wajahayaan xaalado bini'aadannimada ka baxsan iyo dhibaatooyin joogto ah.
Caqabadaha Isu-socodka ee Daanta Galbeed
Wasaaradda ayaa xustay in macallimiinta ku sugan Daanta Galbeed ay maalin walba la kulmaan ciqaab iyo xannibaado dhinaca isu-socodka ah, iyagoo wajaha dhibaatooyin ka dhasha boqollaalka bar-koontarool ee ay ciidamada Israa’iil dhigteen waddooyinka.
Dhibaatadaas ayaa si gaar ah uga jirta deegaannada Masafer Yatta oo koonfur ka xiga Hebron, tuulada Al-Mughayyir ee bartamaha Daanta Galbeed, Dooxada Urdun, iyo dhulka loo yaqaan Aagga C.
Sida uu dhigayo Heshiiskii Oslo II ee 1995-kii, Daanta Galbeed waxaa loo kala qaybiyay saddex aag oo kala ah A, B iyo C.
Aagga A waxaa dhanka amniga iyo maamulkaba gacanta ku haya Falastiiniyiinta.
Aagga B maamulka rayidka waxaa leh Falastiiniyiinta balse amniga waxaa maamusha Israa’iil.
Halka Aagga C, oo ka dhigan 60% baaxadda Daanta Galbeed, ay si buuxda gacanta ugu hayso Israa’iil, taas oo nolol-maalmeedka macallimiinta ka dhigtay mid ciriiri ah.
Cunaqabateynta Dhaqaale iyo Nolosha Macallimiinta
Dhibaatooyinka haysata macallimiinta Falastiiniyiinta kuma eka oo keliya dhanka amniga iyo isu-socodka, balse waxay gaartay gundhigga noloshooda iyo dhaqaalahooda.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa xaaladdan la xiriirisay lacagaha canshuuraha ah ee ay Israa’iil xayiraadda saartay, taas oo curyaamisay awooddii Maamulka Falastiin uu mushaaraadka buuxa ku siin lahaa shaqaalaha dowladda, oo ay macallimiintu hormuud u yihiin.
Lacagahan oo ay Israa’iil u ururiso Maamulka Falastiin gaar ahaan badeecadaha dibadda laga soo dejiyo iyadoo la raacayo Heshiiskii Paris ee 1994, ayay xukuumadda Tel Aviv billowday inay jarto sannadkii 2019, waxaana markii dambe la hakiyay gabi ahaanba.
Tallaabadan ayaa si ba’an u dhaawacday dhaqaalaha Falastiin, maadaama canshuurahaasi ay ka yihiin ku dhawaad 56% dakhliga guud ee dowladda, taas oo culeys aan la qiyaasi karin saartay nolosha macallimiinta, adeegyada dadweynaha iyo shaqooyinkii kale ee qaranka.
Qaylo-dhaan loo diray Beesha Caalamka
Ayadoo laga duulayo xaaladdan murugada leh, Wasaaradda Waxbarashada Falastiin ayaa qaylo-dhaan iyo baaq degdeg ah u dirtay beesha caalamka, Qaramada Midoobay, iyo dhammaan hay’adaha waxbarashada iyo xuquuqda aadanaha.
Waxay ugu baaqday inay si dhab ah uga jawaabaan xaaladdan, ayna gacan ka geystaan sidii la isugu taagi lahaa badbaadinta ardayda, macallimiinta iyo shaqaalaha kale ee waxbarashada.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay codsatay in ururrada macallimiinta ee caalamka ay cadaadis saaraan Israa'iil si loo sii daayo macallimiinta xiran, loona fasaxo lacagaha la xayiray, si macallimiinta loo siiyo xuquuqdooda dhaqaale, baahiyahooda nololeedna loo daboolo.


















