| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Duqa Muqdisho oo Safiirka Turkiga Kala Hadlay Xoojinta Iskaashiga iyo Horumarinta
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Duqa Muqdisho oo Safiirka Turkiga Kala Hadlay Xoojinta Iskaashiga iyo Horumarinta
Duqa Muqdisho oo Safiirka Turkiga Kala Hadlay Xoojinta Iskaashiga iyo Horumarinta / Others
 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Axaddii xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gargaarka bani’aadannimo iyo ballaarinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo adeegyada bulshada.

Dr. Muungaab ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Dhankiisa, Safiirka Turkiga Ferhat Alkan ayaa Duqa Muqdisho uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran, isagoo bogaadiyay dadaallada horumarineed ee Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan hindisayaasha lagu horumarinayo magaalada Muqdisho iyo adeegyada bulshada.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Soomaaliya oo Diidday Faragelinta Joogtada ah ee Imaaraadka Carabta
NISA oo Gobolka Hiiraan ku Dishay Laba Xubnood oo Al-Shabaab ah, Saddex Kalena ku Dhaawacday
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Wafdi Sacuudiyaan ah Kala Hadlay Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kulan La Qaatay Garsoorayaasha Maxkamadaha Degmooyinka Banaadir
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kormeeray Rakibidda Qalab Casri ah oo loogu Talagalay Baarlamaanka
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Furay Shirweynaha Saddexaad ee Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka iyo Dib-u-dhiska Isbitaalka
Wasaaradda Amniga Gudaha oo Wafdi Mareykan ah Kala Hadashay Dib-u-habeynta Hay’adaha Amniga
Soomaaliya oo COP31 ku Daahfurtay Qorshe Maalgashi Cimilo oo ku Kacaya 12.8 Bilyan oo Doollar
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kormeer Ku Tagay Maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo Racfaanka
Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ilaalinta deegaanka
Soomaaliya oo Muqdisho Ka Furtay Kulan Wadatashi ah oo Ku Saabsan Ku Biirista Heshiiska CEDAW
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed oo COP31 Kaga Hadlay Xiriirka Labada Dal iyo Amniga Gobolka
Aljeeriya oo deeqaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed kordhisay, gaarsiisayna 100 arday
Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xiriirka labada dal
Madaxweynaha Israa’iil oo xisbiyada ugu baaqay inay is-tanaasul sameeyaan
Safiirrada Soomaaliya iyo Japan oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Caddaaladda iyo Garsoorka
Baarlamaanka Soomaaliya oo Dib u Eegay Sharciga Bangiga Dhexe iyo Heshiisyada Iskaashiga Garsoorka
Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Tanzania oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga