| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya,Cismaan Dubbad, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee warbaahinta, dalxiiska iyo dhaqanka.
Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka
Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka / SONNA
 

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Cismaan Dubbad.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Jabuuti ee dhinacyada warbaahinta iyo dalxiiska, iyo sidoo kale dadaallada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo laguna horumarinayo dhaqanka Soomaaliyeed ee ay wadaagaan labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka kadib, Wasiirka iyo Safiirka ayaa booqday Xarunta Warbaahinta Qaranka iyo Tiyaatarka Qaranka, oo ay ku shaqeyso Golaha Qaranka ee Fanka iyo Wacyigelinta Dadweynaha.

Xubnaha Kooxda Fanka Qaranka ee Waaberi ayaa labada mas’uul ku soo dhaweeyay Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo ay ku soo bandhigeen heeso ka turjumaya iskaashiga iyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

XIGASHO:SONNA