Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa Sabtidii ka digtay in safmarka cudurka Ebola ee ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) uu ku fidayo xawaare ka dheereeya dadaallada lagu xakameynayo, iyadoo sheegtay in baaxadda iyo halista cudurka aan weli si buuxda loo ogayn sababo la xiriira nusqaan weyn oo ka jirta baaritaannada iyo sahayda lagama maarmaanka ah.
Bayaan ay soo saartay hay’addu xilli Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus, uu booqasho ku joogay magaalada Bunia, ayay MSF ku sheegtay in xaaladda gobolka Ituri ay tahay “mid aad looga walaacsan yahay” oo ka duwan safmarradii hore ee cudurka Ebola, sababtoo ah kororka degdegga ah ee kiisaska muddo kooban kadib markii cudurka si rasmi ah loogu dhawaaqay.
“Marna hore looma arag safmarka cudurka Ebola ah oo saameeya tiro intaas le’eg oo kiisaska ah muddo aad u gaaban kadib markii lagu dhawaaqay,” ayuu yiri Dr. Alan Gonzalez, Agaasime Ku-xigeenka Hawlgallada ee MSF.
MSF ayaa sheegtay in boqolaal muunadood oo laga shakisan yahay ay weli sugayaan baaritaan, halka xannibaadaha ka jira xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha ay dib u dhigayaan imaatinka sahayda caafimaad ee muhiimka ah iyo khubarada loo baahan yahay si loo ballaariyo dadaallada wax looga qabanayo cudurka.
“Xaqiiqada maanta jirta ayaa ah in cidina aysan garanayn baaxadda dhabta ah iyo heerka halista ee cudurka,” ayuu yiri Gonzalez.
Hay’addu waxay sheegtay in cudurku ku lug leeyahay nooca Bundibugyo ee Ebola, kaas oo aan weli loo hayn tallaal la ansixiyay ama daaweyn gaar ah, taas oo sii adkeynaysa dadaallada lagu xakameynayo.
MSF ayaa sidoo kale ka digtay in xarumaha caafimaadka ee horeyba culeyska u saarnaa ay ku dhibtoonayaan sii wadidda adeegyada caafimaadka ee caadiga ah, taas oo kordhin karta saameyn caafimaad oo ka baxsan Ebola.
Kooxdu waxay ku baaqday in si degdeg ah loo ballaariyo awoodda baaritaannada, loo dedejiyo gaarsiinta agabka gargaarka bani’aadantinimo, lana hagaajiyo isku-duwidda taageerada caalamiga ah. Waxay carrabka ku adkaysay in ka qaybgalka bulshada uu yahay arrin muhiim ah si loo helo kalsoonida bulshada looguna dhiirrigeliyo dadka inay raadsadaan daaweyn.
“Jawaabta cudurkan laguma guulaysan karo haddii lagu khasbo bulshooyinka halkii lala dhisi lahaa iskaashi,” ayay tiri MSF.
Sida ku cad tirooyinkii ugu dambeeyay ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), ugu yaraan 134 kiis oo la xaqiijiyay oo Ebola ah ayaa laga diiwaangeliyay Congo iyo Uganda.
Mas’uuliyiinta caafimaadka Congo ayaa tilmaamay in wali la diiwaangelinayo kiisas cusub oo laga shakisan yahay, iyadoo tirada guud ee kiisaska la diiwaangeliyay ay ka badan tahay 1,000 qof, tan iyo markii cudurka lagu dhawaaqay.
Kiisaska la xaqiijiyay waxaa ka mid ahaa sagaal kiis oo laga diiwaangeliyay Uganda, halka tirada dhimashada Ebola ee labada dal ay gaartay 18 qof oo ka mid ah kiisaska la xaqiijiyay.









