| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
MW Xasan Sheekh oo Madasha Ganacsiga Afrika ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay Madasha Ganacsiga Al-Alamein–Afrika ee lagu qabtay Al-Alamein, Masar, isagoo soo bandhigay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, kuna baaqay xoojinta iskaashiga iyo isdhexgalka dhaqaale ee Afrika.
MW Xasan Sheekh oo Madasha Ganacsiga Afrika ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya
MW Xasan Sheekh oo Madasha Ganacsiga Afrika ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay Madasha Ganacsiga Al-Alamein–Afrika ee lagu qabtay magaalada Al-Alamein ee dalka Masar, taas oo isu keentay hoggaamiyeyaasha Afrika, wasiirro, hoggaamiyeyaasha ganacsiga, maalgashadayaal iyo hay’ado maaliyadeed.

Khudbaddiisa, Madaxweynaha ayaa kaga hadlay isbeddellada dhaqaale iyo siyaasadeed ee caalamka, wuxuuna iftiimiyay muhiimadda iskaashiga Afrika iyo isdhexgalka dhaqaale. Wuxuu ugu baaqay dalalka Afrika inay si wanaagsan uga faa’iideystaan kheyraadkooda dabiiciga ah, awoodda dadkooda iyo fursadaha maalgashi ee ka jira suuqyada Afrika.

“Soomaaliya ma aha oo keliya dal ka soo kabanaya colaado; waa dal dib u dhisaya oo dib u habeynaya dhaqaalihiisa. Waxaan u furan nahay ganacsi iyo maalgashi, waxaana soo dhaweyneynaa cid kasta oo diyaar u ah inay nala dhisto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu ugu baaqay ganacsatada iyo shirkadaha Afrika iyo maalgashadayaasha caalamiga ah inay sahamiyaan fursadaha ka jira Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in maalgashiga wax-soo-saarka leh uu muhiim u yahay shaqo-abuurka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka waara.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay in mustaqbalka dhaqaale ee Afrika uu ku xirnaan doono iskaashi iyo maalgashi xooggan, iyadoo dalalku si wadajir ah uga shaqeynayaan horumarinta ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, maalgelinta iyo isdhexgalka suuqyada.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Soomaaliya oo martigelin doonta Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bariga Afrika ee 2027
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka Furay Bandhigga Ganacsiga Banaadir
Ciidamada dowladda Itoobiya oo dib ula wareegay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Tigray
Xasan Sheekh: Soomaaliya kama soo horjeeddo in Itoobiya ay dekedaheeda u isticmaasho ganacsiga
Madaxweyne Xasan Sheekh: Marnaba ma aqbali doonno in Israa'iil ay saldhig ka sameysato Berbera
Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga Badda Cas
Liibiya iyo Midowga Afrika oo ka wada-hadlay qabanqaabada Shir-madaxeedka Afrika iyo Turkiga
Trump oo ka gaabsaday inuu Netanyahu si cad ugu taageero doorashada soo socota ee Israa’iil
Midowga Afrika: Itoobiya, Eriteriya iyo Masar ha ka fogaadaan hurinta xiisadda
Eriteriya oo xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Itoobiya
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar iyo Ergayga QM oo Ka Wada Hadlay Geeddi-socodka Siyaasadda Liibiya
5 Qof oo Dhintay, 47 Kalena ku Dhaawacmay Weerar RSF ka Fuliyey Hoyga Ardayda Jaamacadda Kordofan
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga waxbarashada
Codbixinta Galmudug & Hirshabeelle oo si Nabad ah ku Soo Dhammaaday, Tirinta Codadka oo Bilaabanaysa
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Arusha uga Qaybgalaya Kulanka Baarlamaannada EAC iy Shirweynaha IPU
Wariye Muhammad al-Najjar iyo siddeed Falastiiniyiin ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza
Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Xasilloonida Suudaan
Masar oo Beenisay Faragelin Kaddib Markii Itoobiya ku Eedeysay Taageeridda Kooxo Hubeysan
Soomaaliya ayaa Sheegtay In ay Mar Walba Garab Taagan Tahay Falastiin
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Codkiisa Dhiibtay iyadoo Doorashooyinka Deegaanku Socdaan