Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit, ayaa si adag u cambaareeyay ku dhawaaqistii Israa’iil ee aqoonsiga gobolka Somaliland oo ay u aqoonsatay dowlad madax-bannaan, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid daandaansi ah oo khatar weyn ku ah amniga gobolka.
War-saxaafadeed rasmi ah uu soo saaray Jimcihi, ayuu Aboul Gheit ku sheegay in Jaamacadda Carabta ay gebi ahaanba diiddan tahay go’aankaas, wuxuuna ku tilmaamay xad-gudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da dhowrista midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida dalalka ee ku xusan Axdi-qarameedka Qaramada Midoobay.
Xoghayaha Guud ayaa carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb aan la kala jarayn oo ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee beesha caalamku aqoonsan tahay, isagoo ka digay in aqoonsiga hal dhinac ah uu wiiqayo xeerarka caalamiga ah ee quseeya dowladnimada iyo aqoonsiga.
Aboul Gheit ayaa intaas ku daray dhaleeceyntiisa, isagoo sheegay in tallaabadani ay ka timid awood gumeysi oo sii wadda xad-gudubyada ay ku hayso qaraarrada caalamiga ah, isla markaana tacaddiyo maalinle ah u geysata shacabka Falastiin iyo dalalka dariska la ah.
Wuxuu sheegay in go’aankani uu la mid yahay weerar lagu qaaday madax-bannaanida dal Carbeed iyo Afrikaan ah, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu qalqal-geliyo gobolka iyada oo lala kaashanayo dhinacyo saddexaad, taas oo ka baxsan qaab-dhismeedka sharciga caalamiga ah.
Xoghayaha Guud ayaa dib u xaqiijiyay in mowqifka Jaamacadda Carabta — oo ay ku heshiiyeen heerarka shir-madaxeedka iyo wasiirrada — uu yahay mid si buuxda u taageeraya midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Wuxuu ka digay in isku day kasta oo hal dhinac ah oo lagu doonayo in wax looga beddelo maqaamka Soomaaliya uu yahay faragelin aan la aqbali karin oo lagu sameeyay arrimaha gudaha ee dalka, isla markaana ay dhigayso raad halis ah oo khatar ku ah nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo tan caalamiga ahba.
Ugu dambeyntii, Jaamacadda Carabta waxay ugu baaqday beesha caalamka inay dhowraan sharciga caalamiga ah, ayna diidaan tallaabooyinka halista ku ah xasiloonida Geeska Afrika.



















