| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Guddiga Xuquuqda Aadanaha, UNDP iyo ANNHRI oo Furay Tababar Lagu Kobcinayo Awoodda Hay’adaha
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka (NIHRC), UNDP iyo Shabakadda Carabta ee Hay’adaha Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha (ANNHRI) ayaa Muqdisho ka furay tababar lagu xoojinayo awoodda hay’adeed iyo hawlgal ee Guddiga.
Guddiga Xuquuqda Aadanaha, UNDP iyo ANNHRI oo Furay Tababar Lagu Kobcinayo Awoodda Hay’adaha
Guddiga Xuquuqda Aadanaha, UNDP iyo ANNHRI oo Muqdisho ka Furay Tababar Lagu Kobcinayo Awoodda Hay’adeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka Soomaaliya (NIHRC), Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) iyo Shabakadda Carabta ee Hay’adaha Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha (ANNHRI) ayaa Muqdisho ka furay tababar saddex maalmood soconaya oo loogu talagalay xoojinta awoodda hay’adeed iyo hawlgal ee Guddiga.

Tababarka ayaa diiradda lagu saarayaa Mabaadi’da Paris iyo aqoonsiga GANHRI, Sharciga Lr. 16 iyo madaxbannaanida hay’adeed, cabashooyinka iyo baaritaannada, kormeerka goobaha dadka lagu hayo, diiwaangelinta xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo la-shaqeynta hannaanada xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Iyadoo furaysay tababarka, Guddoomiyaha NIHRC, Dr. Maryan Qaasim, ayaa UNDP iyo ANNHRI uga mahadcelisay taageerada farsamo ee joogtada ah, halka Xoghayaha Guud ee ANNHRI, Sultan Bin Hassan Aljamali, iyo Madaxa Barnaamijyada Maamulka ee UNDP Soomaaliya, Evariste Sibomana, ay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay taageeridda Guddiga si uu u guto waajibaadkiisa.

XIGASHO:SONNA