Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) iyo Jaamacadda SIMAD, oo taageero ka helaya Hay’adda Amniga Internet-ka (Cyber Security) ee Malaysia, ayaa si rasmi ah u daah-furay Laanta Soomaaliya ee Xarunta Shahaadooyinka Caalamiga ee Amniga Saaybarka (Global ACE), taasoo looga gol-leeyahay xoojinta awoodda qaranka ee amniga internet-ka.
Xafladda daah-furka oo ka dhacday xarunta SIMAD Town Campus ayaa lagu soo bandhigay nidaamka caalamiga ah ee Global ACE, kaas oo taageera tababarrada iyo shahaadooyinka xirfadeed ee la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah.
Mas’uuliyiinta ka kala socday Hay’adda Amniga Internet-ka ee Malaysia, Jaamacadda SIMAD iyo NCA ayaa sheegay in barnaamijkani uu gacan ka geysan doono horumarinta xirfadlayaal Soomaaliyeed oo leh aqoon iyo diyaar garow ku filan amniga dijitaalka ah.
Laanta Soomaaliya ee Global ACE, oo ay martigelinayso Jaamacadda SIMAD, ayaa taageeri doonta tababarrada, shahaado-siinta iyo dhismaha awoodda khubarada ka shaqeeya amniga internet-ka.




















