| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Arusha Kula Kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku Matala EALA
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee Tanzania kula kulmay xildhibaannada Soomaaliya ku matala Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika (EALA).
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Arusha Kula Kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku Matala EALA
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Arusha Kula Kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku Matala EALA / SONNA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee Tanzania kulan kula yeeshay xildhibaannada Soomaaliya ku matala Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika (EALA).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya wakiillada Soomaaliya ee EALA iyo Baarlamaanka Soomaaliya, isku-dubbaridka arrimaha sharci-dejinta iyo dardargelinta ka qaybgalka Soomaaliya ee geeddi-socodka isdhexgalka Bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiyaha ayaa xildhibaannada ku ammaanay sida daacadnimada iyo sharafta leh ee ay Soomaaliya u matalaan, iyo dadaalka ay ugu jiraan ilaalinta iyo sare u qaadidda sumcadda dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo soo bandhigista horumarka iyo fursadaha ka jira Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA