| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Turkiga oo ku tilmaamay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland "Tallaabo Sharci-darro ah"
Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay gobolka Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan, iyadoo ku tilmaamtay tallaabadaas mid sharci-darro ah oo wiiqaysa xasilloonida gobolka.
Turkiga oo ku tilmaamay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland "Tallaabo Sharci-darro ah"
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, Oncu Keceli / AA
26 Diseembar 2025

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay gobolka Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan, iyadoo ku tilmaamtay tallaabadaas mid sharci-darro ah oo wiiqaysa xasilloonida gobolka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, Oncu Keceli, oo warbaahinta la hadlay Jimcihii, ayaa sheegay in go’aanka Israa’iil uu yahay "tusaale cusub oo muujinaya ficillada sharciga baalmarsan ee xukuumadda Netanyahu, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay in xasillooni-darro laga abuuro heer gobol iyo heer caalami."

Wuxuu intaas ku daray in tallaabadani ay tahay "faragelin cad oo lagu sameeyay arrimaha gudaha ee Soomaaliya."

Keceli ayaa xusay in tallaabada Israa'iil ay qayb ka tahay waxa uu Turkigu u arko siyaasado ballaarsi ah iyo dadaallo lagu doonayo in lagu hor istaago aqoonsiga caalamiga ah ee Dowladda Falastiin.

"Go'aannada la xiriira mustaqbalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo gobolka Somaliland waa in lagu gaaraa hab ka turjumaya rabitaanka dhammaan Soomaalida," ayuu yiri Afhayeenku.

Cambaareyntan ayaa timid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu Jimcihii ku dhawaaqay in dalkiisu si rasmi ah u aqoonsaday Somaliland. Netanyahu ayaa sheegay in go’aankan uu waafaqsan yahay "Ruuxda Heshiisyadii Ibraahim (Abraham Accords)," ee Israa'iil ay sannadkii 2020-kii xiriirka kula yagleeshay Imaaraadka, Baxreyn, Suudaan iyo Marooko.

Netanyahu ayaa sidoo kale casuumaad rasmi ah u fidiyay Madaxweynaha Somaliland si uu booqasho ugu tago Israa’iil.

Isagoo dib u xaqiijinaya taageerada Ankara ee midnimada dhuleed ee Soomaaliya, Keceli wuxuu sheegay in Turkiga, oo ah dal muhiimad gaar ah siiya nabadda iyo amniga Geeska Afrika, uu sii wadi doono garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Mowqifka Wasiirrada Arrimaha Dibadda

Dhanka kale, Masar ayaa Jimcihii shaacisay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Masar, Turkiga iyo Jabuuti ay si wadajir ah u dhaleeceeyeen go’aanka Israa’iil.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, kadib wadahadal dhanka taleefanka ah oo dhexmaray wasiirradaas, ayaa lagu yiri: "Wasiirradu waxay xaqiijiyeen diidmadooda qayaxan iyo cambaareynta aqoonsiga Israa'iil ee gobolka Somaliland, iyagoo carrabka ku adkeeyay taageerada buuxda ee ay u hayyaan midnimada, madax-bannaanida iyo bedqabka dhuleed ee Soomaaliya."

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, balse weli ma helin aqoonsi caalami ah. In kasta oo ay u shaqeyso sidii maamul iskiis isku maamula, haddana dowladda Soomaaliya ayaa u aqoonsan gobolkaas qayb ka mid ah dhulkeeda, waxayna tallaabo kasta oo xiriir toos ah lala sameynayo Somaliland u aragtaa mid xadgudub ku ah madax-bannaanideeda.

XIGASHO:TRT World
Raadi Warar Kale
Midowga Afrika oo ku baaqay in si degdeg ah loo laalo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil oo gaaray Somaliland kaddib aqoonsi muran dhaliyay
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeysay doorashada golaha deegaanka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo dib u eegis ku sameeyey amniga, ansixiyayna heshiisyo muhiim ah
Ku dhowaad 65,000 qof oo ka barakacay gobolka Kordofan ee Suudaan sababo la xiriira amni darro: QM
Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Sacuudiga
Ciidanka Xoogga Dalka oo koonfurta Soomaaliya ku dilay 15 qabtayna 8 kale oo ka tirsan al-Shabaab
Diblomaasiga ugu sarreeya Venezuela oo dalbaday garab-istaag caalami ah oo ka dhan ah 'gumeysiga' US
Falcelinta caalamka ee duqeymaha Mareykanku ku qaaday Venezuela iyo ‘qabashada’ Madaxweyne Maduro
MW Maduro oo ku jira gacanta Mareykanka si uu u wajaho dacwado dambiyeed, Rubio oo u sheegay Senator
Madaxweyne Maduro iyo xaaskiisa oo laga saaray Venezuela, sida uu sheegay Trump
Kuuba iyo Kolombiya ayaa cambaareeyay weerarro la sheegay in Mareykanku ku qaaday Venezuela
Maduro ayaa amar ku bixiyay abaabul qaran isagoo cambaareeyey “weerarka gumeysi ah" ee Mareykanka
Qaraxyo gilgilay Caracas kaddib digniin uu Trump ka bixiyay duqeymo lagu qaado Venezuela
Israa'iil oo aqoonsashada Somaliland uga bedelatay saldhig & barakicinta Falastiiniyiinta: MW Xasan
Hoggaamiyaha Suudaan Burhaan oo ballanqaaday guul laga gaaro RSF, lana gaari doono dib-u-heshiisiin
Kumanaan qof oo Soomaaliya ka mudaaharaaday si ay u cambaareeyaan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
DRC oo hakisay shaqada afhayeenka ciidanka kadib hadallo takoor ah oo ka dhan ah bulshada Tutsi-ga
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku tagi doona Turkiga