Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa la kulmay Deniz Demir, Isku-duwaha Xarunta La-dagaallanka Macluumaadka Marin-habaabinta ah ee hoos tagta Agaasinka Isgaarsiinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Turkiga, kaas oo hadda booqasho shaqo oo rasmi ah ku jooga Muqdisho.
Wasiirka iyo Isku-duwaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca warfaafinta iyo ka faa’iideysiga khibradda iyo aqoonta Turkiga ee ka hortagga iyo la-dagaallanka macluumaadka marin-habaabinta ah iyo wararka been-abuurka ah.
Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay khataraha ka dhalan kara wararka been-abuurka ah iyo macluumaadka marin-habaabinta ah ee ku wajahan bulshada, amniga iyo xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo iskaashi joogto ah si loo ilaaliyo macluumaadka saxda ah iyo kalsoonida dadweynaha.























