Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u xaqiijisay "ballan-qaadkeeda buuxa ee aan gorgortanka geli karin" ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada qaran iyo bedqabka dhuleed ee dalka, iyadoo si kulul u diidday tallaabada ay Israa'iil ku aqoonsatay gobolka Somaliland.
War-saxaafadeed adag oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya ay yihiin kuwo dastuuri ah, oo waafaqsan Dastuurka Ku-meel-gaarka ah, Axdiga Qaramada Midoobay iyo Xeerka Midowga Afrika. Dowladda ayaa ku tilmaamtay ficilka Israa'iil "weerar sharci-darro ah oo si ula kac ah loogu soo qaaday qaranimada Soomaaliya," iyadoo carrabka ku adkeysay in "Gobolka Somaliland uu yahay qayb aan laga jari karin, lagana maarmin oo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya."
Dowladda Federaalku waxay caddeysay in Soomaaliya ay tahay "dal madax-bannaan oo aan la kala qaybin karin," iyadoo intaas ku dartay in "aysan jirin cid shisheeye ah oo awood ama sharciyad u leh inay wax ka beddesho midnimada dalka ama qaab-dhismeedkiisa dhuleed."
Bayaanka ayaa lagu sheegay in aqoonsi kasta ama ku dhawaaqis kasta oo arrintaas lid ku ah ay tahay "waxba kama jiraan, isla markaana aysan yeelanayn wax raad sharci ama siyaasadeed ah sida uu qabo sharciga caalamiga ah."
"Arrimaha la xiriira midnimada Soomaaliya, maamulka, iyo nidaamka dastuuriga ah waa xuquuq u gaar ah shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda, iyadoo la xusay in arrimahan lagu xallinayo oo kaliya "hannaan sharci ah, dastuuri ah, oo nabdoon."
Mowqifka Falastiin iyo Saldhigyada Shisheeye
Soomaaliya ayaa sidoo kale ku celisay "taageeradeeda mabda'iga ah ee aan leexleexadka lahayn" ee xuquuqda shacabka Falastiin, oo ay ku jirto aayo-ka-tashigooda. Dowladda ayaa si adag u diidday gumaysiga, barakicinta qasabka ah iyo ballaarinta deegaamaynta. "Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto in shacabka Falastiin laga dhigo kuwo aan dal lahayn," ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale, dowladda ayaa si cad u sheegtay in "aysan marnaba oggolaan doonin in dhulkeeda laga sameeyo saldhigyo milateri oo shisheeye" kuwaas oo dalka u jiidi kara dagaallo wakaaladeed ama soo waaridi kara colaado gobolka ah iyo kuwo caalami ah.
Dowladda Federaalka ayaa ka digtay in tallaabooyinkan sharci-darrada ah ay "si weyn u wiiqayaan nabadda iyo xasiloonida gobolka," gaar ahaan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadan.
Waxay intaas ku dartay in ficilladani ay ka hor imaanayaan mas'uuliyadda wadajirka ah ee la dagaallanka argagixisada, iyagoo "abuuraya duruufo u sahla kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish inay ka faa'iideystaan xasillooni-darrada siyaasadeed."
Ugu dambeyntii, Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay ka go'an tahay inay qaaddo "dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci ee lagama maarmaanka ah" si ay u difaacdo qaranimadeeda.
Waxay ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed inay "midnimo muujiyaan, feejignaadaan, ayna u dhabar-adeygaan ilaalinta dalkooda," iyadoo beesha caalamkana ugu baaqday inay ixtiraamto sharciga caalamiga ah oo ay ka fogaato faragelinta.



















