Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, ayaa Talaadadii magaalada Qaahira wadahadallo kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan, Kaamil Idriis, iyagoo ka arrinsaday dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Suudaan, xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada dib-u-dhiska dalka ay colaaddu halakeysay.
Kulanka oo qayb ka ah booqasho rasmi ah oo laba maalmood ah oo Ra’iisul Wasaaraha Suudaan uu ku joogo Masar ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Cabdulcaadi, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Masar.
Kaamil Idriis ayaa Madaxweyne Al-Sisi guddoonsiiyay farriin uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Madaxbannaanida Ku-meelgaarka ah ee Suudaan, Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan, taas oo lagu adkeeyay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo rabitaanka Khartuum ee ballaarinta iskaashiga Qaahira.
Afhayeenka Madaxtooyada Masar, Maxamed Al-Shannaawi, ayaa sheegay in Al-Sisi uu mar kale xaqiijiyay sida ay Masar uga go’an tahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo xasilloonida Suudaan, isagoo diiday isku day kasta oo wax u dhimaya amniga iyo hay’adaha qaranka dalkaas.
Al-Sisi ayaa sidoo kale ka warbixiyay dadaallada diblomaasiyadeed ee Masar ay waddo si xal siyaasadeed loogu helo colaadda Suudaan, loo joojiyo dagaalka, loona yareeyo dhibaatada bani’aadannimo ee ka dhalatay.
Ra’iisul Wasaare Kaamil Idriis ayaa soo dhaweeyay dadaallada diblomaasiyadeed ee Qaahira, isagoo Masar uga mahadceliyay taageerada ay Suudaan siineyso inta ay colaaddu socoto.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF), oo qarxay bishii Abriil 2023, ayaa burbur baahsan ka geystay dalka, barakiciyay malaayiin qof, isla markaana sababay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ugu daran dunida.
Dib-u-dhiska Suudaan iyo xiriirka Midowga Afrika
Intii uu kulanku socday, Kaamil Idriis ayaa sheegay in Suudaan ay ku tiirsan tahay taageerada Masar ee dib-u-soo-kabashada iyo dib-u-dhiska dalka, gaar ahaan ka qaybgalka shirkadaha Masar ee mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo gaadiidka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Masar ka dalbaday inay taageerto dadaallada Suudaan ay ku dooneyso inay dib ugu soo ceshato kaalinteeda Midowga Afrika iyo qorshaha lagu qabanayo wadahadal qaran oo ka dhaca Khartuum.
Sida ay sheegtay Madaxtooyada Masar, Idriis ayaa tilmaamay in wadahadalkaas oo ay hoggaaminayaan dadka Suudaan uu noqon doono mid loo dhan yahay, oo aan dhinacna laga reebin.
Masar ayaa xiriir dhow la leh hoggaanka milateriga Suudaan, iyadoo taageerta dadaallada lagu ilaalinayo hay’adaha qaranka, laguna raadinayo xal siyaasadeed oo lagu soo afjaro colaadda.
Xaaladda maxaabiista Suudaaniyiinta ee Masar
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda muwaadiniinta Suudaan ee ku xiran xabsiyada Masar.
Kaddib codsi ka yimid dhinaca Suudaan, Madaxweyne Al-Sisi ayaa faray hay’adaha ay khuseyso ee Masar inay si wanaagsan u eegaan kiisaska maxaabiista iyo dadka Suudaaniyiinta ah ee xiran, oo ay ku jirto suurtagalnimada in qaarkood loo oggolaado inay muddada uga harsan xukunkooda ku dhammaystaan gudaha Suudaan, iyadoo la raacayo shuruucda iyo xeerarka u degsan arrintaas.
Kaamil Idriis ayaa dowladda Masar uga mahadceliyay martigelinta iyo taageerada ay u fidisay muwaadiniinta Suudaan intii uu dagaalku socday, isagoo xusay xiriirka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee deriska ah.
Kulanka Qaahira ayaa qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Suudaan ay ku raadineyso taageerada dalalka gobolka iyo beesha caalamka si loo soo afjaro dagaalka, dib loogu dhiso dalka, loona soo celiyo xasilloonida iyo shaqeynta hay’adaha qaranka.













