| Somali
TURKIGA
5 daqiiqo akhris
Axmed Macallin Fiqi: Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Turkiga waxay ku salaysan tahay waxqabad
Wasiirka ayaa sheegay in mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka hirgelinayo Soomaaliya ay ka tarjumayaan nooca saaxiibtinimo ee ka dhexeysa labada dal, isagoo xiriirkaas ku tilmaamay mid ku salaysan waxqabad la taaban karo.
Axmed Macallin Fiqi: Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Turkiga waxay ku salaysan tahay waxqabad
Axmed Macallin Fiqi: Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Turkiga waxay ku salaysan tahay waxqabad / Others
 

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ee xilka wareejinaya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo sheegay in saaxiibtinimada labada dal ay ku dhisan tahay waxqabad, horumar iyo dib-u-dhis, ee aysan ku salaysnayn faragelin ama falal lagu wiiqayo dalka.

Fiqi ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabadda xarig-jarka dugsi waxbarasho iyo dhagax-dhigga isbitaal cusub oo ay maalgelisay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, kuwaas oo laga hirgelinayo degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo Turkigu uu sidoo kale ka wado dhismaha xarun hawada sare loogu diro dayax-gacmeedyada iyo gantaallada.

“Dalka Turkiga iyo Soomaaliya xiriirkoodu waa ka dheer yahay dadka qaar inta ay u maleynayaan. Waa ka qoto dheer yahay. Waa la isku milmay, waa la is dhex galay. Cid kala saari kartaa ma jirto,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka hirgelinayo Soomaaliya ay ka tarjumayaan nooca saaxiibtinimo ee ka dhexeysa labada dal, isagoo xiriirkaas ku tilmaamay mid ku salaysan waxqabad la taaban karo.

“Saaxiibtinimadeenna waxay ku salaysan tahay waxqabadkaas, kuma salaysna burburin, kuma salaysna faragelin kuma salaysna cadaw dalkeenna loo soo hoggaamiyo,” ayuu yiri.

Fiqi ayaa sidoo kale dhaliilay waxa uu ku tilmaamay shirqoollo iyo falal lagu wiiqayo Soomaaliya, isagoo taas ka soo horjeediyay kaalinta Turkiga ee dib-u-dhiska dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Warsheekh oo ka faa’iideysanaysa mashaariicda waxbarashada iyo caafimaadka

Wasiirka ayaa sheegay in dugsiga laga furay Warsheekh dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameeyay, laguna qalabeeyay agabka waxbarashada ee casriga ah, oo ay ka mid yihiin qalabka fasallada, nidaamka tamarta cadceedda, buugaagta iyo boorsooyinka ardayda.

“Dugsigii Warsheekh oo aad u jeeddaan fasallada sida casriga ah loo qalabeeyay, dhammaan wixii waxbarasho u baahnaa oo dhan,” ayuu yiri Fiqi, isagoo bogaadiyay tayada dib-u-dhiska dugsiga.

Waxa uu tilmaamay in Warsheekh ay heshay mashaariic waxbarasho iyo caafimaad oo ay baahi weyn u qabaan degmooyin kale oo Soomaaliya ka tirsan.

“Nasiib badan bay leeyihiin reer Warsheekh,” ayuu yiri.

Mashaariicdan ayaa daba socda booqasho uu bishii Oktoobar degmada Warsheekh ku tagay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan, taas oo ahayd booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah ee uu Muqdisho kaga baxo tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Danjire Alkan ayaa xilligaas kulan la yeeshay Guddoomiyaha Degmada Warsheekh, Maxamed Xasan Mataan, iyagoo ka wada hadlay mashaariicda horumarineed ee Turkigu taageerayo, oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta dugsiga iyo ballaarinta adeegyada caafimaadka degmada.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay qorshayaal lagu hirgelinayo xarun cunto loogu diyaariyo dadka danyarta ah iyo xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah.

Warsheekh oo yeelanaysa muhiimad cusub oo dhinaca tiknoolajiyadda hawada sare ah

Marka laga soo tago mashaariicda waxbarashada iyo caafimaadka, Warsheekh ayaa yeelanaysa muhiimad istiraatiiji ah oo la xiriirta barnaamijka hawada sare ee Turkiga, iyadoo degmada uu ka socdo dhismaha xarun loogu talagalay hawada sare u dirista dayax-gacmeedyada iyo gantaallada.

Intii uu ku guda jiray booqashadiisii bishii Oktoobar, Danjire Ferhat Alkan ayaa kormeeray goobta uu dhismuhu ka socdo, isagoo uu wehliyay Taliyaha Ciidanka Hawlgalka Soomaaliya iyo Turkiga (TURKSOM), Sarreeye Gaas Sebahattin Kalkan.

Wafdiga ayaa warbixin ku saabsan halka uu marayo dhismaha mashruucu ka helay Ahmet Sami İşler, Agaasimaha Guud ee Albayrak Group ee Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga Turkiga iyo Soomaaliya ee hoos yimaada Guddiga Xiriirka Dhaqaalaha Dibadda Turkiga (DEİK).

Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa mashruucan ku tilmaantay mid Soomaaliya siin kara kaalin muuqata oo dhinaca hawlaha iyo cilmi-baarista hawada sare ah.

“Mashruucan wuxuu Soomaaliya ka dhigi doonaa mid ka mid ah xarumaha dunida ugu horreeya ee dhinaca daraasaadka iyo hawlaha hawada sare,” ayay sheegtay safaaraddu.

Xaruntan oo qayb ka ah barnaamijka qaranka ee hawada sare ee Turkiga ayaa ka faa’iideysanaysa goobta juqraafiyeed ee Soomaaliya, gaar ahaan u dhowaanshaha dhulbaraha iyo xeebta Badweynta Hindiya, kuwaas oo abuuraya duruufo ku habboon hawada sare u dirista dayax-gacmeedyada.

Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Turkiga, Mehmet Fatih Kacır, ayaa bishii Diseembar 2025 ku dhawaaqay in la dhammaystiray daraasadihii suurtagalnimada iyo naqshadeynta mashruuca, isla markaana la bilaabay wejigii koowaad ee dhismaha.

Marka la dhammaystiro, xarunta ayaa mustaqbalka taageeri karta hawada sare u dirista dayax-gacmeedyada Turkiga iyo adeegyada ganacsi ee shirkadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya hawada sare.

Mashruuca ayaa sidoo kale Soomaaliya u abuuri kara fursado dhinacyada tababarka tiknoolajiyadda, cilmi-baarista sayniska iyo shaqooyinka u baahan xirfadaha sare.

Iskaashiga difaaca iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal

Fiqi ayaa tusaale u soo qaatay kaalinta Turkiga ee mashaariicda waaweyn ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Dekedda Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo xarunta hawada sare ee Warsheekh.

Wasiirka ayaa sidoo kale dib u xusuustay munaasabad Jimcihii ka dhacday Muqdisho, oo lagu dhagax-dhigay saldhigga Ciidanka Badda Soomaaliyeed, iyadoo mashruucaasi uu qayb ka yahay iskaashiga difaaca ee labada dal.

Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibbada istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, isagoo dalka ka taageera tababarka ciidamada, tayeynta awoodda difaaca iyo horumarinta kaabayaasha adeegyada bulshada.

Sannadkii 2024, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha ah oo soconaya muddo 10 sano ah, kaas oo lagu ballaarinayo iskaashiga amniga badda iyo horumarinta awoodda Ciidanka Badda Soomaaliya.

Fiqi ayaa khudbaddiisa mahadnaq ugu jeediyay dowladda Turkiga, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, safaaradda Turkiga, madaxda ciidamada Turkiga ee Soomaaliya iyo shirkadda difaaca ee Baykar.

“Mahadcelin ballaaran baan u jeedinaynaa dowladda Turkiga, madaxweynahooda, safaaradda, jeneraalka ciidamada halkaan ka jooga,” ayuu yiri Fiqi.

“Dhammaantood waan u mahadcelinaynaa, mahad ballaaran baan u jeedinaynaa.”

XIGASHO:TRT SOMALI