| Somali
TURKIGA
1 daqiiqo akhris
Madaxweynaha Turkiga oo gaaray Sacuudiga, lana kulmaya Dhaxal-sugaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan
Erdogan ayaa Mohammed bin Salman iyo Shehbaz Sharif la kulmi doona inta lagu jiro booqashadiisa shaqo ee halka maalin ah.
Madaxweynaha Turkiga oo gaaray Sacuudiga, lana kulmaya Dhaxal-sugaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan
MW Erdogan ayaa Ankara uga ambabaxay booqasho shaqo oo uu ku tagayo Sacuudiga, halkaas oo uu wadahadallo kula yeelan doono madaxda dalkaas.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii gaaray Sacuudiga, isagoo halkaas ku joogi doona booqasho shaqo oo hal maalin ah.

Diyaaradda Madaxweyne Erdogan ayaa ka degtay Garoonka Caalamiga ah ee King Abdulaziz ee magaalada Jeddah, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Mishaal bin Abdulaziz Al Saud, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Makkah, Safiirka Turkiga ee Riyadh Emrullah Isler iyo Qunsulka Guud ee Turkiga ee Jeddah Mustafa Unal.

Madaxweynaha ayaa kaddib waddada dhulka ah ugu ambabaxay magaalada barakeysan ee Makkah.

Inta uu booqashada ku joogo Sacuudiga, Erdogan ayaa la filayaa inuu la kulmo Dhaxal-sugaha ahna Ra’iisul Wasaaraha Sacuudiga Mohammed bin Salman iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif.

XIGASHO:َAA