| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Muqdisho ku Qaabilay Wasiirka Caafimaadka Indonesia
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Caafimaadka Indonesia, Budi Gunadi Sadikin, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinaca caafimaadka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Muqdisho ku Qaabilay Wasiirka Caafimaadka Indonesia
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Muqdisho ku Qaabilay Wasiirka Caafimaadka Indonesia / SONNA
 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Caafimaadka Indonesia, Budi Gunadi Sadikin, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinaca caafimaadka, oo ay ka mid yihiin kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha caafimaadka, fududeynta helitaanka daawooyinka iyo horumarinta adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay musharraxnimada Indonesia ee xilka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) muddada 2027–2032.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ballaarinta iskaashiga Soomaaliya iyo Indonesia, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga, si loo gaaro horumar waara oo ay ka faa’iideystaan shucuubta labada dal.

XIGASHO:SONNA