| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Xoojinaya Iskaashiga Saadka Dekedaha iyo Xirfadaha Dhallinyarada
Wafdi uu hoggaaminayo Maareeyaha Dekedda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur Americo ayaa booqasho ku tagay magaalada Trieste ee Talyaaniga, si loo xoojiyo iskaashiga dhinacyada saadka dekedaha, waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha dhaliyarada
Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Xoojinaya Iskaashiga Saadka Dekedaha iyo Xirfadaha Dhallinyarada
Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Xoojinaya Iskaashiga Saadka Dekedaha iyo Xirfadaha Dhallinyarada
 

Wafdi Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo), ayaa 26-dii ilaa 30-kii Sebteembar 2026 booqasho shaqo ku tagay magaalada Trieste ee gobolka Friuli Venezia Giulia ee Talyaaniga, si loo xoojiyo iskaashiga dhinacyada saadka dekedaha, waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Booqashada ayaa ku timid casuumaad uu fidiyay Dr. Ahmed Faghi Elmi, Guddoomiyaha ANOLF FVG APS, iyadoo qayb ka ah mashruuca FORLIS oo uu taageerayo Gobolka Friuli Venezia Giulia.

Intii ay booqashadu socotay, wafdiga ayaa kulamo la yeeshay hay’adaha Gobolka Friuli Venezia Giulia, Golaha Gobolka, Dowladda Hoose ee Trieste, Prefettura, Akadeemiyadda Badda Adriatico iyo Dekedda Trieste. Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu soo qaaday fursadaha iskaashi ee mustaqbalka, oo ay ku jirto suurtagalnimada in Dekedda Muqdisho iyo Dekedda Trieste la mataaneeyo.

Mashruuca FORLIS, 14 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo isugu jira toddobo haween ah iyo toddobo rag ah ayaa la filayaa inay qaataan barnaamij waxbarasho iyo tababar oo laba sano ah oo ku saabsan saadka iyo hawlaha dekedaha, kaas oo ku bilaabanaya barashada afka Talyaaniga ee Muqdisho.

Booqashada ayaa sii xoojisay iskaashiga u dhexeeya hay’adaha Soomaaliya iyo Gobolka Friuli Venezia Giulia, iyadoo diiradda la saarayo waxbarashada, tababarrada xirfadaha, badbaadada goobaha shaqada, saadka dekedaha iyo fursado waara oo loo abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wafdiga waxaa ka mid ahaa Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo), Agaasimaha Guud ee Dekedaha Soomaaliya Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Prof. Khalid Macow, Safiir Ku-xigeenka Soomaaliya ee Talyaaniga Cabdullaahi Hamud, iyo Wasiiru-dowlihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Ra’iisul Wasaaraha Suudaan oo booqasho rasmi ah ku tagay Masar
Saadaq Cumar oo loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya
Suudaan oo Ciidamada RSF ku Eedeysay inay Dileen Askar ku Sugneyd Gobolka Blue Nile
Soomaaliya oo Horumar Weyn ka Sameysay Qiimeynta Dareenka Amniga Dadweynaha
Suudaan oo bilowday olole 50 maalmood ah oo lagu nadiifinayo caasimadda Khartuum
Kenya oo Isbahaysi Shirkado Mareykan ah ku Wareejinaysa Mashruuca Macdanta Dhifka ah
Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay mustaqbalka amniga dalka iyo hawlgalka AUSSOM
Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka dhallinyarada
Soomaaliya oo safiirka Imaaraadka ku amartay inuu dalka kaga baxo 72 saacadood gudahood
Maxkamad ku Taalla Suudaan oo Xukun Dil ah ku Ridday Hoggaamiyaha RSF, Xemedti, iyo 13 Qof oo Kale
Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga oo La Kulmay Duqa Magaalada Riyaad si ay uga Wada Hadlaan Iskaashig
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarigga ka Jaray Waddada Jamhuuriya ee Muqdisho
Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Dhaqan-galka Heshiiskii IGAD ee 2023
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka digay faragelin shisheeye
Soomaaliya oo Shirweynaha COP31 ku Daahfurtay Qorshe-Hawleedka MRV ee Warbixinnada Cimilada
Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aanka Maraykanka ee cusbooneysiinta taageerada hawlgallada amniga
Soomaaliya iyo Hindiya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Guddoomiyaha SoDMA oo COP31 ku Iftiimiyay Barakaca Cimilada iyo Adkeysiga Bulshooyinka
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble
Ciidamada Uganda oo shan saldhig oo ku yaalla Baraawe ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya