Shan askari oo Turki ah ayaa ku shahiiday shil helikobtar ay leeyihiin Ciidanka Cirka oo ku burburtay waqooyi-galbeed Turkiga xilli ay ku jirtay duulimaad tababar ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaas.
Wasaaraddu waxay sheegtay in helikobtarta oo nooceedu yahay AS-532, ay Talaadadii ku burburtay gobolka Eskisehir iyadoo ku guda jirtey howlgal tababar ah.
“Shan ka mid ah saaxiibbadeenna geesiyaasha ah ayaa shahiiday iyagoo saarnaa helikobtarta Ciidankeenna Cirka ee ku burburtay Eskisehir xilli ay ku jirtay duulimaad tababar ah,” ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.
Wasaaradda ayaa tacsi u dirtay qoysaska askarta, Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga iyo shacabka Turkiga, iyadoo mar sii horreysay xaqiijisay shilka, sheegtayna in helikobtartu ay Eskisehir uga kacday howlgal tababar.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la helay burburka diyaaradda, ayna socdeen howlgallada baadigoobka iyo samatabixinta, balse sababta shilka ayaan weli la shaacin.















