Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa ka qeybgalay kulanka quraacda ee Madasha FORWARD 2027 oo lagu qabtay magaalada Nairobi, kaas oo isu keenay mas’uuliyiin dowladeed, hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo madaxda shirkadaha dalalka Bariga Afrika.
Madashan oo ay soo qabanqaabisay shirkadda Nation Media Group ayaa waxaa ka qeybgalay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Dr. Abraham Korir Sing’Oei, Agaasimaha Maamulka iyo Madaxa Fulinta ee Nation Media Group, Geoffrey Odundo, iyo hoggaamiyeyaal kale oo ka tirsan ganacsatada gobolka.
Safiir Jibriil oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa iftiimiyay awoodda dhaqaale ee Afrika, rajada kobaca dhaqaale ee Bariga Afrika iyo hannaanka ay Soomaaliya uga gudbeyso marxaladda dib-u-soo-kabashada una gudbeyso isbeddel dhaqaale.
Safiirka ayaa carrabka ku adkeeyay fursadaha ka dhashay Qorshaha Isbeddelka Qaranka Soomaaliya ee 2025–2029, xubinnimada Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo ka qeybqaadashadeeda iskaashiga gobolka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Kenya, iyada oo loo marayo Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC).
Safiirka ayaa soo bandhigay saddex arrimood oo mudnaan u leh dardargelinta kobaca dhaqaale ee gobolka, kuwaas oo kala ah fududeynta ganacsiga, xoojinta maamulka wanaagsan iyo in isdhexgalka gobolka loo beddelo fursado wax ku ool ah oo ay ka faa’iideystaan ganacsatada iyo muwaadiniinta.
Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay maalgashadayaasha inay ka gudbaan ku koobnaanta suuqyada dalalka gaarka ah, isla markaana ay sahamiyaan fursadaha ka dhalanaya isku xirnaanta dhaqaale ee gobolka Bariga Afrika.















