Shirweynaha 95aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Yurub (EBU) ee Geneva ayaa doodda ugu weyneyd ku saabsaneyd kaalinta Israa’iil ee Eurovision, iyadoo xubnuhu ka doodeen xeerarka cusub iyo ka qaybgalka warbaahinta Israa’iil ee KAN, ee madasha 2026.
Kahor inta codbixintu bilaaban, xubnuhu waxay jeediyeen hadallo ku saabsan in ka qaybgalka KAN la sii wadi karo iyadoo Israa’iil ay wado xasuuq ba’an oo ka socda Qaza.
Anagoo ku hadlayna magaca mid ka mid ah xubnaha aas-aasay EBU, warbaahinta Turkiga ee TRT iyo TRT World, waxay sheegeen in xaaladda Qaza ay ka soo horjeedo qiyamka Eurovision.
‘‘Sida qof kasta oo hoolkan ku sugan, TRT ahaan waxaan goobjoog ka nahay cadaadis sannado socday iyo xasuuq indhaha adduunka hortiisa ka socda,’’ ayuu yiri ergayga TRT. ‘‘Tan iyo markii lagu dhawaaqay joojinta dagaalka, in ka badan tobanaan carruur ah ayaa la dilay waxaana gargaarka wali si nabad ah aan loo gaarsiin karin Qaza. In ka badan 270 suxufi ayaa la dilay. Mawqifkeenu waa cad yahay: oggolaanshaha warbaahinta Israa’iil ee KAN inay ka qaybgasho madasha ma ahan mid ku habboon ama la jaanqaadaysa qiyamka tartankan.’’
Idaacadda Ireland, RTÉ, ayaa isla mowqifkaas ku celisay, iyaga oo yiri: 'Iyada oo la tixgelinayo khasaaraha nafeed ee argagaxa leh ee Qaza iyo dhibaatada bani'aadamnimo ee sii socota, waxaan u aragnaa inay tahay wax aan la aqbali karin in laga qaybqaato tartanka haddii warbaahinta Israa’iil ee KAN ay ku sii jirto.'
Markii idaacadda Israa’iil la siiyay fursad hadal, wakiillo ka socday TRT ayaa hoolka ka baxay iyagoo ku cambaareynaya.
TRT iyo dhowr xubnood oo kale ayaa ka soo horjeestay in codbixinta si furan loo qabto waxayna dalbadeen in cod qarsoodi ah la sameeyo.
Ugu dambeyntii, Golaha Guud wuxuu ansixiyey xeerar cusub oo ka qaybgalka ah, balse go'aansaday inuusan qaban codbixin gaar ah oo ku saabsan ku darida Israa’iil.
Xubnaha Jarmalka iyo Austria waxay si furan u muujiyeen taageero ay u hayyaan warbaahinta KAN, halka warbaahinta ka socota Spain, Slovenia, Ireland iyo Netherlands ay codsadeen kadib codbixinta inay qaadici doonaan Eurovision 2026.
Khilaafkan ayaa dhacay iyadoo uu sii socdo xasuuqa Israa’iil ee Qaza inkastoo lagu dhawaaqay xabbad-joojin dhex-dhexaadin uu sameeyey Mareykanku, taasoo sii kordhinaysa khasaaraha Falastiiniyiinta iyo cambaareyn caalami ah oo ka timid hay’adaha dhaqanka, siyaasadda iyo warbaahinta.



























