Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa shaacisay inay gabi ahaanba suulisay Bashiir Axmed Xaaji Nuunow, oo ahaa madaxii hore ee garabka sirdoonka iyo shirqoollada Al-Shabaab ee loo yaqaan 'Amniyaadka'.
Bayaan kasoo baxay NISA Salaasadii (6-dii Oktoobar) ayaa lagu xaqiijiyay in sarkaalkan lagu khaarajiyay howlgal sirdoon oo isku-dhafan oo dhacay habeenimadii Khamiista ee 1-dii Oktoobar. Howlgalkan ayaa si gaar ah uga dhacay degmada Jilib oo ah saldhigga iyo xuddunta ugu weyn ee ay fariistaan madaxda sarsare ee kooxda Al-Shabaab.
Diiwaanka dhiigga iyo maskaxdii weerarrada
Sida ay hay'addu xaqiijisay, Bashiir Nuunow ayaa garabka Amniyaadka hoggaaminayay intii u dhexeysay sannadihii 2016 ilaa 2024. Sarkaalkan ayaa xubnaha kooxda dhexdeeda looga yiqiin magacyo afgarasho oo ay ka mid yihiin: Geescadde, Fanax, Gardhuub, iyo Cali Dheere.
NISA ayaa ku eedeysay inuu ahaa sarkaalkii naqshadeeyay, isla markaana amray fulinta weerraradii ugu dhimashada badnaa ee lagu beegsaday shacabka Soomaaliyeed. Galka dambiyadiisa ugu waaweyn ayaa waxaa ka mid ah; qaraxii 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay Isgoyska Soobe oo ay ku nafwaayeen boqollaal qof, weerarkii Ex-Control Afgooye, qaraxii Soobe-2, iyo weerarro xiriir ah oo lagu qaaday hoteellada iyo goobaha nasashada ee xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Dhabar-jabka kooxda iyo iskaashiga caalamka
Hay’adda NISA ma aysan bixin tafaasiil buuxda oo ku aaddan qaabka farsamo ee loo fuliyay beegsigan gudaha Jilib, mana aysan magacaabin dowladaha shisheeye ee ay ugu yeertay "saaxiibbada caalamka" ee gacan-siinta dhanka duqeymaha ama sirdoonka ku lahaa howlgalka.
Si kastaba ha ahaatee, NISA ayaa geerida Bashiir Nuunow ku tilmaantay "dhabar-jab weyn" oo gaaray hoggaanka sare ee kooxda iyo shabakadaha qarsoodiga ah ee ay u adeegsadaan abaabulka, qorsheynta, iyo fulinta weerarrada.
Hay'adda ayaa intaas ku dartay in tallaabadan ay qayb ka tahay istaraatiijiyadda lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab lagana hortagayo falalkooda argagixiso.




























