Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa shir guddoomiyay kulan heer sare ah oo diiradda lagu saaray horumarinta waaxda duulista hawada dalka, casriyeynta garoomada diyaaradaha iyo hagaajinta nidaamka gaadiidka dhulka ee qaranka.
Kulanka ayaa dib loogu eegay qorshayaasha mustaqbalka ee horumarinta iyo casriyeynta adeegyada garoomada diyaaradaha, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray kaabayaasha garoomada iyo xoojinta badqabka iyo amniga duulista hawada.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay tallaabooyinka lagu hagaajinayo badqabka, hufnaanta iyo guud ahaan nidaamka adeegyada gaadiidka dhulka, si loo sameeyo horumar la taaban karo oo ka jawaabaya baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiiru-dawlaha iyo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Maareeyaha Somali Airlines iyo Maareeye Ku-xigeenka Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle (AAIA).





















