Kenya iyo Bakistaan ayaa ka wada hadlay sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinaca caafimaadka, gaar ahaan wax-soo-saarka daawooyinka, hubinta tayadooda iyo tababarka dhakhaatiirta takhasuska leh.
Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Ducaale, ayaa Arbacadii xarunta Jaamacadda Aga Khan ee magaalada Karachi kula kulmay dhiggiisa Bakistaan, Syed Mustafa Kamal.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Kenya, wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii xiriirka ganacsi ee labada dal ee dhinaca daawooyinka loogu beddeli lahaa iskaashi ballaaran oo habaysan oo dhex mara labada dowladood.
Ducaale ayaa ku baaqay in la dhammaystiro heshiis is-afgarad oo labada dal ka dhexeynaya oo ku saabsan iskaashiga caafimaadka, kaas oo wadahadalladiisu soo socdeen tan iyo sannadkii 2021.
Kenya ayaa Bakistaan ka soo dhoofsata 247 nooc oo daawooyin diiwaangashan ah oo lagu soo saaro dalkaas, kuwaas oo qiimahoodu sannadkii gaarayo qiyaastii 1.4 bilyan oo shilinka Kenya ah.
Sidoo kale, 26 warshadood oo daawooyinka soo saara oo ku yaalla Bakistaan ayaa Guddiga Farmashiyaha iyo Sunta ee Kenya (PPB) ka helay shahaadada u hoggaansanaanta heerarka tayada wax-soo-saarka daawooyinka (GMP).
Wax-soo-saarka daawooyinka iyo fursadaha maalgashiga
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada nidaaminta iyo hubinta tayada daawooyinka, is-dhaafsiga xogta iyo kormeerro wadajir ah oo lagu sameeyo warshadaha soo saara daawooyinka.
Iskaashigan la soo jeediyay ayaa dhex mari doona Guddiga Farmashiyaha iyo Sunta ee Kenya iyo Hay’adda Nidaaminta Daawooyinka ee Bakistaan, iyadoo ujeeddadu tahay xaqiijinta badqabka iyo tayada daawooyinka iyo xoojinta nidaamyada kormeerka.
Wasiir Ducaale ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyay shirkadaha daawooyinka ee Bakistaan inay maalgashadaan xarumaha warshadaha iyo aagagga dhaqaalaha gaarka ah ee Kenya.
Dowladda Kenya ayaa dooneysa inay kordhiso wax-soo-saarka daawooyinka gudaha, ka faa’iideysato wareejinta tiknoolajiyadda, isla markaana dalka ka dhigto xarun wax-soo-saar oo daawooyinka u dhoofisa Bariga Afrika iyo suuqyada kale ee qaaradda.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay iskaashiga caafimaadka dijitaalka ah, gaar ahaan hirgelinta nidaamyo lagula socon karo halka daawooyinka laga soo saaray iyo marxaladaha ay soo maraan ka hor inta aysan gaarin xarumaha caafimaadka.
Hannaankan ayaa gacan ka geysan kara xoojinta isla-xisaabtanka iyo aqoonsiga daawooyinka aan buuxin shuruudaha tayada iyo badqabka.
Tababarka dhakhaatiirta takhasuska leh
Tababarka xirfadlayaasha caafimaadka ayaa ka mid ahaa qodobbada muhiimka ah ee wadahadallada, iyadoo Kenya ay raadineyso fursado ay dhakhaatiirteedu tababarro takhasus ah ugu qaataan xarumaha caafimaadka Bakistaan.
Wadahadallada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray takhasusyada daaweynta cudurrada kansarka iyo kelyaha.
Ducaale ayaa soo jeediyay in la sameeyo barnaamij sannadle ah oo dhakhaatiirta Kenya ay tababarro takhasus ah ugu qaataan Bakistaan, iyadoo la qorsheynayo in dufcadda ugu horreysa ay tababarka bilowdo sannadka 2027.
Qorshahan ayaa looga gol leeyahay in wax laga qabto yaraanta dhakhaatiirta takhasuska leh ee Kenya. Hase yeeshee, weli lama dhammaystirin qorshaha tababarka iyo qaab-dhismeedka guud ee iskaashiga labada dal.
Kulanka waxaa martigeliyay Madaxweynaha Jaamacadda Aga Khan, Dr. Sulaiman Shahabuddin, waxaana sidoo kale ka qaybgalay Safiirka Kenya ee Bakistaan Peter Njiru, iyo Madaxa Fulinta ee Guddiga Farmashiyaha iyo Sunta ee Kenya, Dr. Axmed Maxamed.















