Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa qaabilay Wasiirka Caafimaadka Indonesia, Budi Gunadi Sadikin, oo booqasho shaqo ku jooga Soomaaliya.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca caafimaadka iyo musharraxa heer wasiir ee Indonesia u soo sharaxday xil ka tirsan Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).
SHEEKOOYIN KALE
Indonesia ayaa sidoo kale dib u xaqiijisay taageerada ay u hayso madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
XIGASHO:SONNA















