| Somali
CAAFIMAADKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Caafimaadka oo Shirka CPHIA 2026 ka Hadlay Adeegyada Caafimaadka ee Xaaladaha Degdegga ah
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa shirka CPHIA 2026 ku adkeeyay muhiimadda xoojinta u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah iyo sii wadista adeegyada caafimaadka xilliyada qalalaasaha.
Wasiirka Caafimaadka oo Shirka CPHIA 2026 ka Hadlay Adeegyada Caafimaadka ee Xaaladaha Degdegga ah
Wasiirka Caafimaadka oo Shirka CPHIA 2026 ka Hadlay Adeegyada Caafimaadka ee Xaaladaha Degdegga ah / SONNA
 

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa khudbad ka jeediyay kulan heer sare ah oo qeyb ka ahaa Shirka Caalamiga ah ee Caafimaadka Dadweynaha Afrika (CPHIA 2026), kaas oo diiradda lagu saaray hoggaaminta, isku-dubbaridka iyo maareynta xaaladaha caafimaad ee degdegga ah ee dalalka ay saameeyeen colaadaha iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Uganda, Jessica Alupo, wasiirrada caafimaadka ee gobolka, mas’uuliyiin ka socday Xarunta Afrika ee Xakameynta iyo Ka Hortagga Cudurrada (Africa CDC), iyo wakiillo ka socday dowlado iyo hay’ado caalami ah.

Wasiir Cali ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay waayo-aragnimada Soomaaliya ee joogteynta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah xilliyada qalalaasaha, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in adeegyada caafimaadku gaaraan dadka nugul, gaar ahaan carruurta, haweenka iyo bulshooyinka ku nool deegaannada ay adag tahay in la gaaro.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay baahida loo qabo xoojinta nidaamyada u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah iyo iskaashiga gobolka, si loo xaqiijiyo joogteynta adeegyada caafimaadka xilliyada xaaladaha degdegga ah.

Ka qeybgalka Wasiirka ee shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, laguna horumarinayo nidaam caafimaad oo qaran, waara, una adkeysan kara caqabadaha.

XIGASHO:SONNA