Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa shaaciyay in howlgalladii milateri ee ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa dagaalyahannada Al-Shabaab lagu dilay ku dhawaad 285 xubnood oo kooxda ka tirsan iyo 12 ka mid ah horjoogayaasheeda sare.
Wasiirka oo ka hadlayay shir jaraa’id ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliyeed ay guulo waaweyn ka gaareen howlgallada, isagoo xusay dhowr horjooge oo sare oo lagu dilay deegaanno kala duwan.
Wuxuu sheegay in Isxaaq Aadan, oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Al-Shabaab, isla markaana khatar weyn ku hayay bulshada ku nool gobolka Bay, lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Daynuunaay.
Wasiirka ayaa sidoo kale magacaabay Mukhtaar Qalin, oo loo yaqaanay Tima-weyne, kaas oo mas’uul ka ahaa isgaarsiinta kooxda, iyo Xasan Dheere, oo madax ka ahaa howlaha gaadiidka ee Al-Shabaab. Labadooda ayaa lagu dilay isla howlgalkii ka dhacay Daynuunaay.
Howlgal kale oo ka dhacay bariga deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa lagu dilay Axmed Cabdulle (Ansaari), oo ahaa amiirka katiibada Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wasiirka ayaa sheegay in horjoogayaal kale oo kooxda ka tirsanaa sidoo kale lagu dilay howlgallada.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay saaxiibbada caalamiga ah taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan howlgallada cirka ee lagu beegsanayo xubnaha kooxaha argagixisada.
Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay ciidamada Soomaaliyeed guulaha ay ka gaareen howlgallada socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.



















